HomeGuddoomiyaha Gobolka Awdal oo ka hadlay Shaqaaqadii ka dhacday Xariirad, Baaqna u...

Guddoomiyaha Gobolka Awdal oo ka hadlay Shaqaaqadii ka dhacday Xariirad, Baaqna u Jeediyey Shacabka Dirirtu Dhexmartay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Borama (SLpost)- Guddoomiyaha  dhawaan loo magacaabay Gobolka Awdal Md Cabdoo Aayar, ayaa ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday tuulada Xariirad, waxaanu sheegay in maamulka gobolku uu ka shaqeynayo ilaalinta iyo xoojinta nabad-gelyadda.

Guddoomiyaha oo maanta warbaahinta la hadlayay, waxa uu sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatada dhexmaray shacabka walaalaha ah ee wada-deggen gobolka Selel, waxaanu yidhi isaga oo arrimahan ka hadlaya, “Waxa aan aad uga xumahay wixii ka dhacau Xariirad todobaadkan, waxaan aad uga xumahay dhimashada ay sababtay arrinta, waxaan aaminsan nahay in dadka ku nool Awdal iyo Salal ay yihiin dad walaalo ah oo ood-wadaag ah oo ay dano badani ka dhexeeyaan oo aanan sinaba u kala tagayn.”

cabdoo axmed aayeGuddoomiye Aayir waxa uu sheegay inuu ahmiyadda siinayo ilaalinta nabad-gelyadda Gobolka, “Waxaan mudnaanta siinayaa mar walba dhinaca nabadgalyada, waxaanan diyaar u ahay inaan nabadgalyada ka shaqeeyo gabi ahaanteedba,” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Gobolka Awdal waa meel ku caan ah nabadgalyada, waa meeshii Somaliland lagu dhisay waa meel dadkeedu ay nabadda u hoggaansan yihiin isla markaana uu ka hano qaaday horumar balaadhan oo dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo guud ahaan nolosha ah. Sidaasi oo ay tahay waxaan diyaar u ahay inaan nabad-galyada mudnaanta siiyo aniga ogsoon inaanan kaligay waxba qaban karin balse aan u baahan nahay in la ogsoonaado taageerada dadka reer Awdal.”

Badhasaabka Awdal waxa uu haweenka ku booriyay inay ka qayb qaataan ilaalinta Nabad-gelyadda, “ Haweenku waa kuwa dal dhisa ama dumiya, waa kuwa raga colaada ama nabadgalyada ku dhiiri galiya, waxa aan uga socdaa oo aan ku boorinayaa haweenka reer Awdal inay ka shaqeeyaan nabadgelyada,” ayuu yidhi Md Aayir oo haween weynaha gobolka Awdal munaasibadda 8 March ugu hambalyeynayay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories