HomeGuddoomiyaha degmada Sabo-wanaag oo digreetadii madaxweynaha Dhegaha ka Furaystay

Guddoomiyaha degmada Sabo-wanaag oo digreetadii madaxweynaha Dhegaha ka Furaystay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Marka hore waxan salaam gobanimo udirayaa dhamaan umada reer Somaliland iyo weliba bahwaynta  saxaafada.

Akhriste waxan manta qalinka iyo warqada isu saaray iguna dirqiyay inan maqaalkan diyaariyo arrin aanu ka adkaysteen qof in uun ay damiirkiisa ku negtahay wadaninimo iyo inu ka dhiidhiyo wax kasta oo shuruucda wadankan baal marsan.

Dhawr cisho uun kahor ayay ahayd markii madaxweynaha Somaliland  md. Axmed Siilanyouu soo saaray digreeto mamnuucaysa in hantida qaranka loogu ololeeyo amaba loo adeegsado ururo ama xisbiyo siyaasadeed gaar ah, haday tahay xisbul-xaakim iyo mid mucaarid toona.

blank

Hadabo waxa waajiba in marka xeer sharci ah lasoo saaro in la dabaqo amaba sidiisa loo fuliyo, balse waxa xeerkaas durbadiiba qarda-jeexay kana talaabsaday amaba baal isaga leexiyay gudomiyaha degmada SABO-WANAAG  MR. CALI GALAB HUGUR (CALI-TUUR).

Akhriste sawirka ka dhex muuqda maqaalkan ayaa ah mid iftiiminaya isla markana marag unoqonaya sharci darada uu ku kacay gudoomiyahani.

Gudomiye Cali-tuur ayaa sawirkan laga qaaday isaga oo gaadhigiisan dawladu leedahay ugu ololaynaya kuna dhejiyay sawirka mid kamida shakhsiyaad sheegay inay usharaxanyiin doorashada golaha deegaanka  ee caasimada Hargeysa kana sharaxan urur siyaasadeedkaWADDANI.

Gaadhigan oo noociisu yahay seeraf madaw lanbarkeduna yahay GT  793 isla markaana sida aad aragtaan dabada lagaga dhejiyay sawirka qof dumara oo ka sharaxan urur siyaasadeedkaWADDANI.

Maalmo yar uun kahor ayay ahayd markii gudomiyeCALI-TUUR  lasoo daayay iyada oo loo xidhay arrimo musuqmaasuq oo lagu soo eedeeyay, balse waxa muuqata inu weli sii wado ololahan sharci darada ah oo intaan madaxweynuhu mamnuucin uu hore ugu jiray.

Isku soo wada xooriyoo xukuumadan madaxweyneAxmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa lugu naanaysaa amaba baadi sooc looga dhigaa mid la mataano ah oo uu ragaadiyay musuqmaasuq.

Ugu danbayntii waxan usoo jeedinayaa madaxweynaha inuu si degdega wax uga qabto gudomiyahan kor ku xusan iyo masuuliyiinta kale ee arintan oo kale ku kacdaba, waayo hadii aan manta talaabo laga qaadin gudomiyahan waxay horseedi kartaa in masuuliyiin kale oo qaranka katirsani ku dhiiradaan arrintan foosha xun.

Mudane madaxweyne waxan kuusoo jeedinayaa in madax iyo mijo, muxaafid iyo mucaarid sharcigu isku si  uqabto  oo aan qofna sharciga kor marin.

Mudane madaxweyne waxad tahay mas’uulkii qarankan ugu sareeyay, diirad kastoo xukuumadan lugu eegaana shakhsiga  ay soo qabanaysaa waa adiga, sidaa daraadeed waa inaad fiiro gaara uyeelataa arrimahan kor ku xusan.

Wabillahi tawfiiq.

By:  Abdi rahman Shandaqiiqo

Hargeisa, Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories