HomeGuddoomiyaha Dahabshiil Group Oo Ka Hadlay Muhiimadda Tartanka Orodka Dheer Ee Somaliland...

Guddoomiyaha Dahabshiil Group Oo Ka Hadlay Muhiimadda Tartanka Orodka Dheer Ee Somaliland Oo Shirkaddu Qabatay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Dahabshiil Group oo kaashanaysa wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland ayaa qabatay tartanka Orodka Dheer ee Somaliland (Marathon) ee sanadka 2019.

 

Tartanka waxa ku baratamay dhallinyaro gaadhaysa 200oo isaga timid gobollada Somaliland iyo meelo caalamka ka mid ah. Tartankan oo xiiso weyn lahaa ayaa lagu baratamayay masaafadda laba iyo afartan kilo mitir(42km) iyo toban kilo mitir(10km) waxaana xusid mudan in dhallinaro ka socotay gobolka Awdal kaalmaha 1-aad galeen labada heer ee tartanka.Cismaan Cilmi Sheekh oo kaalinta koobaad ka galay tartanka 42KM ayaa sidan dareenkiisa u cabiray.

dahabshiil

“Illaahay baa mahadleh ii suuro galiyay in aan ku guulaysto tartanka 42km oo aad u adkaa oo aan kula tartamayay rag soo tababartay oo Jabuuti ku tababartay iyo kuwo caalamka ka yimid. Maanta farxad weyn bay ii tahay in aan maanta soo bandhigo dadaalkaygii aan in badan muujiyay, awal hore 10km ayaan ordi jiray laakiin, 42km maanta ayaa iigu horaysa in aan ordo,” Sidaas ayuu yidhi Cismaan oo u ordayay ciidanka Militariga Somaliland ee Gaashaan kana soo jeeda gobolka Awdal.

 

Xamse Beder Macallin oo ka socday gobolka Awdal ayaa ku guulaystay kaalinta 1-aad ee tartanka orodka 10km waxaanu kadib guushiisa cabbiray dareenkiisa waxaanu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guushiisa.

 

Umulkhayr Yuusuf Maxamuud oo ku guulaysatay kaalinta 1-aad ee hablaha waxay sheegtay in ay si weyn ugu faraxsan tahay in ay kaalintan gasho iyada oo uga timid Gabiley waxaanay tilmaantay in ay doonayso in ay tartannada kale halkaas kor uga sii socoto.

 

Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid (Cabdirashiid Dahabshiil) ayaa ka hadlay ujeedka tartankan ay shirkaddu ka lahayd

 

“Tartankan runtii dhallinyaro badan baa ka soo shaqaysay oo waddanka gudihiisa iyo dibaddiisaba joogta, dhallinyaradu waxay aad u xiisanaynayaan in ay waxyaabo ay ku mashquulaan oo ciyaaro ah helaan, waan ku faraxsanahay in dhallinyaro waddanka joogtay iyo kuwo dibadda ka yimid oo ajaanib ah oo dad ilaa Ireland ka yimid baa ordaya,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid Dahabshiil

 

Waxa kale oo uu tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin ciyaaraha noocan ah. “Waxaanu u aragna in ay caafimaadka u fiican tahay, dhallinyarada cuslaatay u fiican tahay, kuwa doonaya in ay maskaxdooda firfircooni badan ka helaan u fiican tahay, waanan xiisaynayna in magaalo kasta oo dhulka Soomaalida ah lagu qabto waayo waydinka arkaya Soomaalida Maxamed Faarax (Mo Farah), Cabdi Bile dadka Soomaalida waxa lagu yaqaana in ay orodka aad ugu fiican yihiin, dhallinyarada imika ordaysay iyaga oo aan weliba tababar badan helin ayay haddana orod dheeraad ah oo xad dhaaf ah ku soo baxeen, marka waanu ku dhiiri gelinayna cid walba waayo caafimaadku waa muhiim lacagta iyada ka muhiimsan runtii,” Sidaas ayuu yidhi Cabdirashiid guddoomiyaha Dahabshiil.

 

Waxa kale oo la waydiiyay sababta shirkadda Dahabshiil Group uga qayb qaadato arrimaha dhallinyarada khuseeya waxaanu ku jawaabay, “ Waxaanu u aragna in dal walba hantidiisu tahay dhallinyarada, dhulka Soomaalida waxa lagu tilmaama 70% waa dhallinyaro oo dhallinyarada u badan, cidda maanta madashan joogtana waxay u badan tahay dhallinyaro dal walbana wuxuu ku shaqeeya dhallinyaradiisa marka waanu ku dhiiri gelinaya dhallinyarada in ay madalaha noocan ah yimaaddan oo qofku haddii uu caafimaadkiisa ka shaqeeyo wuxuu helaya firfircooni uu ku shaqaysto, wax ku barto marka waa ku dhiiri gelinayna,” Sidaas ayuu yidhi Mr Cabdirashiid Dahabshiil.

 

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Somaliland Mudane Boos Mire Maxamed ayaa sheegay in tartankani fursad u yahay dhallinyarada una suuro gelinayo in ay ku soo saaraan tayadooda orod yahannimo “Waxaynu leenahay rejo aad iyo aad u weyn waxaynu doonayna in aynu culays saarno orodka siyaasadda dawladduna waa caynka waxa jira dhallinyaro badan oo reer Somaliland ah oo jooga Carabaha, Yurub ama Maraykanka kuwaas kuwii kabi lahaa ayuun baa meesha laga doonaya in ay ka soo baxaan,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Boos.

blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories