HomeGuddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare Oo Xilkii La Wareegay

Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare Oo Xilkii La Wareegay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hageysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamada Sare Ee Somaliland Aadan X Cali Axmed ayaa xilkii kala wareegay guddoomiyihii hore ee maxkamada sare.

Xaflada xilka ay kula kala wareegayeen masuuliyiintani ayaa lagu qabtay xarunta maxkamada sare ee magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay masuuliyiin ka kala socotay Garsoorka, Xukuumada, Wakiilada, Guurtida, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Madaxdhaqameed iyo marti sharaf kale.
Guddoomiye Ku Xigeenka Maxkamada Sare oo ugu horreyn xafladani ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay muddadii aanu soo wada shaqaynay Guddoomiyihii hore oo runtii ahaa nin howlkar ahaa, sidoo kale waxaan soo dhawaynayaa Guddoomiyaha Cusub ee maanta xilka la wareegaya oo aan leeyahay Guddoomiye Soo dhawoow kuna soo dhawoow bahdii cadaalada ee aad hore ugu tirsaneyd”.Guddoomiyaha maxkamadda sare
Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Sare Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa isna warbixiyay Marxaladihii uu la soo maray Maxkamada Sare “Waxa farxad ii ah inaan hoolka maxkamada sare isugu nimi Xilwareejintii aniga iyo Guddoomiyaha Cusub kolay maanta dastuurkeenu xaga aqoonta waxa uu marayaa meel wanaagsan, laakiin waxa jirta oo aan waxba ka kordhin Garsoorka dalka oo dawladihii kala dambeeyay waa kala hagradeen run baan ku hadlayaaye Guddoomiyihii Maxkamada Rafcaanka ka dhintay iyo ka xanuusanaya cidna ubadkiisa ma oga.
Haddaba Maanta meel wanaagsan ayaynu maraynaa dawladnimadeenu waa inoo taabo gashay anigu ma ihi shaqsi ahaan qof xil jecel kolay markhaatina waa laga yahay masuulka joogaa maxkamada sare waxa uu gashan yahay shaadhkii Maxkamada dastuuriga aheyd kolay Aadan Waa Nin aanu in badan soo wada shaqaynay waxaan leeyahay si kal iyo Laab ah ayaan ugu wareejinayaa.
Guddoomiyaha Cusub ee maxakamada sare Aadan Xaaji cali ayaa ka waramay qorshihiisa “Maanta waxa farxad weyn ii ah inaan halkan kula wareego xilkii dhawaan madaxweyne Silaanyo ii soo magacaabay, waxa sharaf ii ah inaan kula wareego Gudaha Maxakamada Sare, Yuusuf-na waxaan u mahad naqayaa heerka uu soo gaadhsiiyay Maxkamada Sare, halkani waa meel canaan badan oo cabasho badan haddii maanta aad wax wanaajiso mid ayuunbaa kuu cadhoon labadii qof ee aad kala xukuntay.
Waxaan mar kale ku faraxsanahay in aan maanta la wareego xilkii lay soo magacaabay dhawaan waxaan idinka codsanayaa in aad ii ducaysaan in Alle I fudaydiyo .
Waxa kale oo xafladani ka hadlay masuuliyiin kale oo ka waramay ahmiyada cadaaladu leedahay.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories