HomeGuddoomiyaha cusub ee hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Xilkii la wareegay

Guddoomiyaha cusub ee hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Xilkii la wareegay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 18 March, 2012 (SLpost)- Munaasabad ay xilka kula kala wareegayaan Gudoomiyahii & Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Shaqaalaha dawladda iyo Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Cusub ayaa maanta ka dhacday xarunta Hay’ada Shaqaalaha dawlada.

Kulankaas xilwareejinta ah waxa ka qayb-galay Wasiirka sii haysa xilka wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Marwo Ilhaan maxamed Jaamac, Xoghayaha Golaha Guurtida Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda, Madax kale oo ka tirsan hay’adaha dawladda iyo Marti sharaf kale oo lagu soo casuumay.

Munaasabadda oo ay xilka kula kala wareegeen Gudoomiyahii hore ee hay’ada Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil iyo Gudoomiyaha Cusub Nuux Sh Muuse Ducaale ayaa ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyahii Hore ee hay’adda oo Mahadnaq u jeediyey Madaxweynaha JSL, shaqaalaha hay’adda Shaqaalaha iyo  ka soo qayb galayaasha xafladaasi, isagoo raaciyey inuu ku Qanacsan yahay xil ka qaadista lagu sameeyey, xilkana uu ku wareejinayo gudoomiyaha cusub ee madaxweynuhu soo Magacaabay.

Mudane Muxumud Aw Cabdi Ismaaciil oo warbixin kooban ka jeediyey aasaaskii hay’adda shaqaalaha dawladda waxa uu xusay in Xeer madaxweyne lagu aasaasay sanadkii 1993-kii, ayna ka mid tahay afarta hay’adood ee dastuuriga ah ee ku xusan qodobada xeerka dawlada Somaliland.

Mudane Muxumud aw Cabdi Ismaaciil waxa uu tibaaxay in hay’ada shaqaalaha dawladdu uga wakiil tahay Qaranka arrimo ay ka mid yihiin Jaangoynta iyo qaab dhismeedka hay’adaha dawlada, Dib u eegista iyo wax ka bedelka xeerka shaqaalaha Dawlada, oo u kala baxaya qaybo badan.

Gudoomiyaha Cusub ee hay’ada Shaqaalaha dawlada Nuux Sh Muuse Ducaale oo isna munaasabadaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa ugaga mahadceliyey Gudoomiyahii hore iyo shaqaalaha hay’ada shaqadii ay soo qabteen, waxuuna ku ballanqaaday inuu sii wadi doono hawshii qabyada ahayd ee hadhsanayd.

Gebagebadii Xafladaasi waxaa xilalkii ay hayeen wareejiyey Gudoomiyahii iyo Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Hay’ada shaqaalaha dawladda, iyadoo Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka cusub-na ay xilalka gudoomeen.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories