HomeGuddoomiyaha Boodhari Mills Oo Ka Warbixiyey Shirweyne Caalami ah Oo Lagu Marti-qaaday...

Guddoomiyaha Boodhari Mills Oo Ka Warbixiyey Shirweyne Caalami ah Oo Lagu Marti-qaaday iyo Saamiyada Shirkadda oo Dib loo furay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirweynaha labaad ee Ganacsiga iyo maalgeshiga Qaaradda Afrika, ayaa toddobaadkii hore ku qabsoomay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxaana shaqsiyaadka sannadkan lagu marti-qaaday ka mid ahaa Guddoomiyaha shirkadda Boodhari Mills Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Nuur.

Shirkadda Boodhari Mills oo ah maalgeshi ay ku midoobeen qurbejoogga iyo qolqol-joogga bulshada Soomaaliyeed, ayaa wershaddii u horeysay ee lagu farsameeyo Daqiiqda ka furatay duleedka Magaalada Hargeysa Sannadkii 2021, waxaanay shirkaddu kasbatay in si gaar ah loogu maamuuso shirweynaha Africa Trade and Investment, iyadoo tusaale u noqotay sida ay Qurbe-jooggu ugu dhiirradeen maalgeshiga iyo dhismaha Qaaradda Afrika.
Guddoomiyaha Shirkadda Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Nuur, ayaa si faahfaahsan uga warbixiyey ahmiyadda shirkaasi u leeyahay shirkadda iyo shacabka Soomaaliyeed oo ugu bushaareeyey in dib loo furay Saamiga shirkadda Boodhari Mills.

“Africa Trade and Investment Summit waa madal isu keenta ganacsadaha, hal abuurrada doonaya inay qaaradda horumar ka samayso xaga shaqa-abuurka, maalgeshiga iyo dadka raba inay dhaqaalahooda ilo wax soo kordhin kara u sameeyaan,” sidaa waxa yidhi Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo warbaahinta Somalilandpost wax ka weydiisay muhiimadda uu shirweynaha ganacsiga iyo Maalgeshiga Afrika u leeyahay Soomaalida.
Guddoomiyaha oo ka jawaabayey Su’aal laga weydiiyey sababaha hormuud u noqday inay shirkaddu maamuus gaar ah ka hesho shirweynaha maalgeshiga Afrika, waxa uu yidhi, “Runtii waa guul maadaama ay dunidu indhaha ku hayso Geeska Africa, martiqaadka waxa uu yahay mid qiraya maamulka Boodhari Mills iyo Samileydu sida ay uga midaysanyihiin kobcinta dalkooda iyo dakhligooda”.

Guddoomiyaha oo wax laga weydiiyey sida ay Somaliland uga faa’ideysan karto fekerka Maalgeshi ee Boodhari Mills oo nooceedu ku Cusub yahay deegaanada Soomaalida, waxa uu sheegay, “Markasta oo aad soo bandhigto nidaam maalgashi oo dunida inteeda kale fahmayso lana aamini karo, adigoo og sida dadku dunida ugu sii kordhayaan, cuntaduna daruuri tahay marwalba,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo intaas ku daray in Wax-soo-saarka Cuntada ee Shirkaddu soo jiidanayo indhaha Caalamka.

Guddoomiyaha oo ka jawaabayey haddii furitaanka xilligan ee Saamiga Shirkaddu soo dhaweynayo maalgeshayaal Caalami ah, waxa uu sheegay inay shirkaddu muhiimadda kowaad siinayso maalgeshiga Umadda Soomaaliyeed oo uu sheegay inay dhabar-adayg u leeyihiin fulinta iyo hal-abuurka Ilaha dhaqaalaha.

“Maalgashiga waxa kow ka ah Ummada Soomaliyeed meel kasta ha joogaane, Ajinabigu waa gacanta labaad. Marka aan muujino isku duubni ayaa adduunku wax inagu darsan karaa. Waa inaan ka baxnaa xaaladaha siyaasadeed ee dib inoo dhigaya,” sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha Shirkadda Boodhari Mills.

Guddoomiyaha Boodhari Mills wuxuu sheegay inay tiraba dhowr jeer ka qayb-galeen shirar Caalami ah Oo maamulka shirkaddu wax-qabadkooda iyo fekerkooda maalgeshi ku soo bandhigeen kaalinta ay shirkaddoodu ka qaadanayso yaraynta baahida cunto ee deegaannada Soomaalida.

“Ka Qayb-gala Madashan iyo kuwa mustaqbalka iman doonaba, waa xeelad ay shirkadu ka leedahay inay soo gasho radaalka dunida ee ganacsiga iyo dhaqaalaha,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Shirkadda Boodhari Mills Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Nuur.

Gebo-gabadii, waxa uu bulshada Soomaaliyeed ku wargeliyey in dib loo furay Saamiga shirkadda Boodhari Mills oo hore ugu guulaystay inay ka soo baxdo qaybtii ugu adkayd ee la soo maray 3 sadexii sano ee ugu danbeeyay.

Boodhari Mills oo soo saarta Daqiiqda, ayaa ah shirkad saamiley ah oo ay maal-gasheen muwaadiniin u kala dhashay Somaliland iyo deegaannada kale ee Soomaalida, ayaa noday mashruucii u horreeyey ee Qayb libaax leh ka qaata dhiirrigelinta wax-soo-saarka Dalagga iyo shaqo-abuurka dalka, iyadoo shirkaddu qayb ka noqotay qorsheyaasha qaran ah ee lagu jaan-goynayo isku-filnaanshiyaha dhinaca Cuntada.

Boodhari Mills Contacts

Website: www.boodharimills.com
Phoen: +252 63 339 1288

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories