HomeGuddoomiyaha Baanka Somaliland oo ku baaqay inay Wasaaradda Ganacsigu tallaabo ka qaado...

Guddoomiyaha Baanka Somaliland oo ku baaqay inay Wasaaradda Ganacsigu tallaabo ka qaado sixir-bararka maceeshadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa,  (SLpost)- Guddoomiyaha Baanka Somaliland Md. Cabdi Dirir Cabdi, ayaa sheegay inaanu dalka ka jirin wax lagu sheegi karo sixi-barar, balse ay waddanka ka jirto wax uu ugu yeedhay maceeshad-barar ay sababteeda leeyihiin Tijaartu.

blankGuddoomiyuhu waxa uu ka hadlay inuu baanku diyaar u yahay sidii qiimaha sarifka meel ugu ilaalin lahaa, si aanu ummadda noloshooda saamayn ugu yeelan guur-guuridiisu. Guddoomiyaha oo arrintaa iyo kuwo kale ka hadlay, waxa uu ku bilaabay, “Horta dalka sixir-barar hada kama jiro, laakiin waxa ka jiraa waa maceeshad-barar, waxaana taas sababteeda iska leh oo ka masuul ah ganacsatada oo aan u naxariisanayn shicibkan aan waxba haysan, waliba hadaan la xakamayn ganacsatada oo aan la ogaan waxay maceeshada saarayaan waxay nafta kaga jarayaan dadka, mana yaqaanaan sida dadka wax loogu jebiyo, taana waxaa ka masuul ah oo wax ka qaban karaya Wasaarada Ganacsiga, sababta oo ah anagu waxaanu xukunaa sarifka lacagaha, waxaananu ilaalinaa inay dadkeena wax u jaraan qoloba waxay haysato.” Waxana uu intaa ku daray guddoomiyuhu oo uu yidhi, “Waxay ahayd marka doolarku jabo in dadka qaata somaliland shilin-ka ay noloshoodu kor u soo kacdo oo lacagteenu wax u jarto laakiin…”

“Waxaad ogtahay in dadkeenu ay ku kala tiirsan yihiin lacagta somaliland iyo dolarka, markaa waanu ku qasbanahay inaanu labadaba noloshooda ilaalino, balse immika waxa jiraa waa maceeshad-barar, taana waxaanu rajaynaynaa inay wax ka qababto Wasaarada Ganacsigu oo weliba aanu is-kaashi ka wada yeelano anaga oo ka masuul ah isku-bedelka lacagaha iyo ilaalinta suuqa sarifka iyo wasaarada ganacsiga oo iyana ka masuul ah maceeshada. Illaa labadaa la iska kaashadana lagama baxayo maceeshad-bararka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Guddoomiyaha Baanka Somaliland.

Mar uu ka hadlayay Guddoomiyuhu xiliga ay dalka imanayso lacago 1000 iyo 5000 SLsh ah oo uu Baanka Somaliland soo daabacayo, waxa sheegay inay lacagtaasi imanayso bisha 12aad ee sanadkan, isla markaana waxa uu xusay inay awood u leeyihiin sidii ay Doollarka ugu ilaalin lahaayeen halka uu haatan marayo.

Xigasho: Ogaal

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories