HomeGuddoomiyaha Baanka oo Sheegay in Lagu Guulaystay Lacag ka Bedelka Ceerigaabo

Guddoomiyaha Baanka oo Sheegay in Lagu Guulaystay Lacag ka Bedelka Ceerigaabo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Ceerigaabo(SLpost)-Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi ayaa mar kale sharaxaad ka bixiyay hanaanka lacag ka bedelka Magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaan Gobolka Sanaag oo bishan horaanteedii la bilaabay.

Cabdi Dirir Cabdi, ayaa sheegay inay si wanaagsan u socoto hawshaasi, isla markaana lagu guulaystay in lacagta shilinka Somaliland ka shaqayo Gobolka, gaar ahaan Magaalo-madaxdiisa Ceerigaabo, lagana saaray suuqa wax ku kala iibsiga Lacagtii hore halkaasi looga Isticmaali jiray ee somaliya, taasoo hada ku hadhay gacanta Sarrifleyaasha Magaalada oo loo ogolyahay inay dadka u sarifaan, balse waxba aan lagu Iibsan Karin.

“Ceerigaabo waxa ka shaqaynaysa oo sharciyan la ogolyahay Lacagta Somaliland, taasaana la doonayaa inay Gobolka oo dhan ka shaqayso, lacagtii Giimbaarta ahayd ee somaliya waxba laguma Iibsan karo, laakiinse waxa sarifaya Ganacsatada Sarifleyaasha ah oo loo ogolyahay, kuwaasaanan gacan ku siinay inay dadka u bedelaan”ayuu yidhi Guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi oo Xalay Wargeyska Dawan Khadka telefoonka ugu waramay.

Guddoomiyaha-Baanka

Waxaanu intaasi ku daray “hawshan markii aannu ku dhaqaaqnay waxaanu u guddo galnay hab aqoon ku dhisan oo aannu rabno inaanu Gobolka kaga hir-gelino isticmaalka lacagta dalka, waxaanan samaynay in lacagtan la bedelo iyadoo aan sidii tii burco la gubayn ama dawladdu lacag ku bixinayn, markaa waxaanu nidhi dadka haloo sarifo lacagta, si ay u bedeshaan, tiina way hir-geshay, markaa waxa muhiim ah inay dadku fahmaan inaanay dawladu lacagta somaliga ah xareysanayn, balse lacagtii dawladu sidii ay meesha uga shaqayn lahayd looga gol-leeyahay hawshan.

Taas ayaan doonayaa inaan u sheego xildhibaanada warbaahinta ka hadlayay ee arintan dhaliilayay, waxaanan cadeynayaa inaanay lacagtaasi wax sicir barar ah Gobolka ka abuurin, si wanaagsana uga socoto oo xarumaha dawlada wax kale aan lagaga shaqaynayn”ayuu yidhi.

Guddoomiye Cabdi Dirir Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in Gobolka ay ku furantahay Lacagta somaliya oo meel walba ka imanaysaa, taasina ay culays kala hor-timi inay hawshani si fudud Gobolka kaga fusho “annaga Lacagta somaliya ee Boosaaso ilaa Kismaayo ka imanaysa waxba nagama khuseeyaan cidii suuqa ka sarifanaysa e markaa lacagta Somaliland wax ku iibsanaysa, balse waxa na khuseeya inaanu lacagtii dawlada Somaliland ku ilaalino inay ka shaqayso meesha oo aan lacag kale oo wax lagu iibsado la ogolayn, taasaana Bulshada gobolka looga baahanyahay inay u hogaansanto.

Bishan horaanteedii ayay ahayd markii Magaalada Ceerigaabo laga bilaabay fidinta Isticmaalka lacagta Somaliland, waxaana hawshaasi si weyn u soo dhaweeyay inta badan Bulshada Gobolka oo dhaqaale ahaan saameyn badan oo dhanka taban ah kala kulmi jiray Shilinka somaliya ee ay isticmaali jireen.

Arrintan ayaa Gobolka Sanaag, gaar aahan Degmada Ceerigaabo ka badbaadisay saameyn dhaqaale oo ay ku keentay Lacag Foojari Soomaaliya ah oo lagu soo daabacay goboladda dhexe ee Soomaaliya, taasoo qayb ka mid ah Puntland loo soo gudbiyay, isla markaana ku fiday Deegaamada Gobolka ee Lacagta Somaliya laga isticmaalo.

Somalilandpost.net

Ceerigaabo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories