HomeGuddoomiiye Muuse Biixi oo Magacaabay Hoggaanka Garabka Dhalinyarada Heer Qaran ee KULMIYE...

Guddoomiiye Muuse Biixi oo Magacaabay Hoggaanka Garabka Dhalinyarada Heer Qaran ee KULMIYE iyo Magacyada 16 Xubnood oo loo xushay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Waxaanu doonayaa inaan umadda u cadeeyo in arrintani ay ku kooban tahay golaha wakiilada, waa dhab oo waxa…” – Muuse BiixiHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna murashaxa madaxweynaha, Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay Garabka Dhalinyarada heer Qaran ee Xisbigaas, kuwaas oo ka kooban 16 xubnood oo isugu jiro dhalinyaro Gabdho iyo Wiilalba leh.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Kulmiye Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), waxa uu Md Muuse Biixi magacaabay hoggaanka sare ee Garabka dhalinyarada ee Xisbiga Kulmiye iyo xubno kale oo qayb ka noqonaya hab-sami u socodka shaqada looga baahan yahay garabka Dhalinyara Heer Qaran ee Kulmiye.

War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sida:- “Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu digreeto Guddoomiye oo summadeedu tahay XK/XGX/0042227/2016 ku magacaabay Garabka Dhallinyaradda Heer Qaranka ee Xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyuhu;

  • Markuu arkay muhiimadda dhismaha Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE u leeyahay hawlaha iyo habsami-u-socodka abaabulka xisbiga,
  • Markuu ku qancay kartidooda iyo aqoontooda,

Waxa uu maanta oo ay bishu tahay November 21, 2016 u magacaabay xubnaha hoos ku qoran in ay noqdaan Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE:

  1. Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  2. Cabdirashiid Muuse Abyan– In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  3. Axmed Abiib Haayir – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Guud ee Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  4. Liibaan Ismaaciil Cabdillaahi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Waaxda Abaabulka iyo Wacyigelinta Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  5. Mustafe Faarax Cali (Qalab) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Waaxda Xidhiidhka Gobollada iyo Degmooyinka Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  6. Mahad Jaamac Maxamed – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Waaxda Qorshaynta, Jaan-goynta iyo Daraasaadka Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  7. Dr. Mustafe Muumin Muuse – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Waaxda Arrimaha Bulshada iyo Deegaanka Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  8. Xamda Aw Daahir Afqarshe – In maanta laga bilaabo ay ahaato Madaxa Waaxda Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Isgaadhsiinta Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  9. Muxiyadiin Yuusuf Ibraahim – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Waaxda Xidhiidhka Saxaafadda iyo Warbaahinta Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  10. Galab Muumin Raage – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Waaxda Xidhiidhka Ciyaaraha Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  11. Maxamuud Jaamac Gudaal – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Waaxda Dhaqaalaha Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  12. Faysal Cumar Madar –In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Waaxda Faafinta Barnaamij Siyaasadeedka xisbiga KULMIYE ee Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  13. Bilan Maxamuud Maxamed – In maanta laga bilaabo ay ahaato Ku-xigeenka Madaxa Waaxda Arrimaha Bulshada iyo Deegaanka Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  14. Axmed Daahir Axmed – In maanta laga bilaabo uu ahaado Ku-xigeenka Waaxda Xidhiidhka Gobollada iyo Degmooyinka Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  15. Zamzam Ibraahim Aadan – In maanta laga bilaabo ay ahaato Ku-xigeenka Waaxda Dhaqaalaha Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.
  16. Cabdixakiim Xasan Axmed – In maanta laga bilaabo uu ahaado Ku-xigeenka Waaxda Abaabulka iyo Wacyigalinta Garabka Dhallinyaradda Heer Qaran ee xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyuhu waxa uu u rajaynayaa xubnahan in Alle ku asturo, kuna guuleeyo gudashada xilkaas muhiimka u ah ka qaybgalka dhallinyaradda ee go’aamada heer qaran ee xisbiga KULMIYE.” Sidaas ayuu u qornaa war-saxaafadeedku

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories