HomeGuddiyada Musharixiinta Reeraha Kala Reeba Horta Yaa Kalsoonida Siiya?

Guddiyada Musharixiinta Reeraha Kala Reeba Horta Yaa Kalsoonida Siiya?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankBeryahan waxaa warbaahinta kusoo badanyay niman guddi sheeganaya oo intay qol soo xidhaan odhanya waxaan matalnaa reer hebel oo anagaa goaminayana cida reerka u matalaysa doorashooyinka soo socoda ee dalka ka dhacaya, maalmo ka bacdina waxay odhanyaan labdaa musharaxa ayaa reerka dorashooyinka isku sidkan u matalaya, markay ka soo dareeraan qolka ay ku xaraysnayeen kowo kale oo reerka ah oo qaar ka mid ay ku jireen shirka imika laga dareeray ayaa iyaguna hadana shirjaraaid qabanaya oo odhanaya nama matalaan nimankaa guddida sheeganaya musharixiinta ay shaaciyeen waa qaar iyaga un ku koobana oo aanu reerku u dhamayn.

Guddiyadani markaad ufiirsto dhamaantood waxay ka koobanyihiin kuwo nolosha ka dhacay oo aan sheikh iyo shariiftoona lahayn wa kuwo ay ku dhanyihiin dad aad moodo inay u saxiibyihiin balwadaha kal duwan dalka laga helo iyagoo aad wajigooda ka baqanayso ayay haddana ku odhanayaan anagay reer hebel taladoodu naga go’daa.

Nimankaa Guddida sheeganay hadday ugu bataan waxay ka koobanyihiin 20 nin reerka ay leeyihiin waanu matalnaan ugu yaraan waxay ka badanyihiin 20000 l(abaatan kun) qof oo leh Sheikhii, Shariifkii, Taajirkii, Faqiirkii, Dhalinyaradii, Haweenkii, iyo Caruurtii.

Dadkaa faraha badan intooda badan maba oga meel lagu caleemo saaray ama kalsoonida reerka lagu siyaayay nimankaa guddida sheeganyaa isla markaana aanay jirin cid ka talo galisay hawshaa nimanka faro ku tirska ahi hayaan ee ay leeyihiin bulshadaa dhan baan masuul kaga nahay, maalin dhawayd qiso aan u soo taagnaa nin aanu saxiib nahay oo aanu meel kawada shaqayno ayaan ku idhi bal kawarn gudiddii reerkiina go’aanadan ay soo saareen wuxuu ii sheegay inaanu xataa magacyadooda aqoon kuwa guddida isku sheegaya isla markaana aanay matelin waxay soosaareen ay yihiin qaar iyaga ku kooban isla markaana cida uu doono uu u codaynayo marka Doorashooyinka la gaadho.

Jawaabaha ay bulshada qaarkood ka bixinayaan Guddiyadaa is magacaabay waxay ku tusaysaa inay yihiin qaar gudcur habeenimo gudaya oo aanay bulshadu ka warhayn.

Maxay Tahay Dhibaatooyinka Ay Bulshada Iyo Reeraha U Horseedi Karaan Guddiyadan Is Magacaabay

1: Isku dhac ka dhex dhaca Saladiintii beesha iyo Guddidan is magacawday taas oo ay sababta go’aamad dag dag ah ee aan ka fiirsashada lahayn ee aan cidna laga talo galin oo ay qaataan nimanka guddida isku sheegaya.

2: waxay sababi kartaa in reerkaasi ama bulshadaasi ay laba garab u kala jabto

3:waxay sababi kartaa in reerkaasi soo kal dhexgalo shaki,isqabqabsi, xaasidnimo, iyo ficiltan gaadh heer ay dagalamaan labadaa garab ee ay uqayb sameen.

4: waxa kaloo ay sababtaa inaan reerkaasi golayaasha la dooranyo aanu xildhibaan qudha ku yeelan taaso sabab u ah labada garab ee ay u qaybsameen oo mid waliba musharax gaar ah wato bulshadaasina ay codkoodu awoodi kari wayaan inay soosaraan labadaa xildhibaan ka dibna ay isla dagaan oo labadooduba dhacaan.

5: Inay sababto dagaal iyo aflagaado joogta ah oo gaadh heer ay reerkaasi iska cayaan warbaahinta iyagoo kooxo kooxo ah.

6: Ugu danbayntii waxay sababi kartaa dhiig daata oo ay sababaan dadka wax ma gartada ahi iyagoo u arkay guul ay ka gaadheen dhincii kale ee ka soo hor jeeday.

Si aanay qasaarahaasi ugu dhicin bulshadeena iyo dalkeena ugana hortagno dhibaatooyinka ay maleegayaan rag dano gaar ah lehi waa inaynu si wad jir ah uga hortagnaa oo aynu iska joojinaa fadqalad wadayaasha, Dawladan xukunka dalka haysana waxaan ugu baqaayaa inay il gaar ah ku hayso raggaa bulshada iska horkeenaya ee xaalada abuurka ah.

Wa Bilaahi Tawfiiq.

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories