HomeGuddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista oo Hoggaan Cusub doortay

Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista oo Hoggaan Cusub doortay

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Hargeysa (SLpost)- Guddida wanaag-farista iyo Xumaan-reebista ee Somaliland, ayaa guddoomiye cusub doortay ka dib markii xilkii ka qaadeen guddoomiyihii hore ee guddigaas Sheekh Maxamed Aadan Xiiray.

Shirka jaraa’id oo ay maanta guddigu ku qabteen xaruntooda magaalada Hargeysa kuna shaaciyeen hoggaankooda cusub, ayaa waxa ka soo qayb-galay culimada iyo masuuliyiinta guddida wanaag-farista, iyada oo uu goobtaas ka maqnaa guddoomiyihii xilka laga qaaday, waxaanay halkaas guddoomiye cusub ugu doorteen Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale Halka guddoomiye ku xigeena loo doortay Sheekh Xaaji Cawil Xuseen.

guddiga“Shaqada ay hayaan guddida wanaag-farista iyo xumaan-reebista Somaliland waxa ka shaqeeyaan fawaaxishka iyo nabad galiyada waxaana uu dalka Somaliland ka shaqay nayey 14 sannadood. Intaad halkan ku arkaysaan mooyaane waxaan xafiisyo kale ay uga furan yahiin gobolada dalka oo dhan waxaana ka furan 21 xafiis oo sidan oo kale u shaqeeya, xafiis kastana waxa uu leeyahay  guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen, sidaas darteed, umada Somaliland ayaa nala shaqaysa, umada ayaa nacaawisa oo waliba nagarab gasha umada ayaana nasiis waxaanu ku shaqayno,” sidaa waxa yidhi Xaaji Cawil Xuseen, Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee guddiga wanaag-farista.

Dhinaca kale, waxa isna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha cusub ee loo doortay inuu hoggaamiyo guddida wanaag-farista Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Guddida wanaag-farista muddadaas guddoomiye ku-xigeenku sheegay waxa ay soo wadday khayr iyo wanaag, maantana si sidii ka wanaagsan ayaa ay u soconaysaa anaga oo Illaahay la kaashanayna inaanu wax ka nuq-saamino lagama yaabo inaanu wax ku siyaadino moyaane. Waxaan walaal idinka codsanayaa xukuumadda, culimada iyo shacabka reer Somaliland-ba inaad Maktabkan laga fidinayo Diinta Islaamka aad ka mid noqotaan oo aan anaguna idinku soo dhawaynayno gacmo furan, albaab kiisuna waa idiin furan yahay. Qof kasta oo Muslim ah waxa laga doonayaa in wakhtigiisa iyo maalkiisa wax ka siiyo meeshanina waa meesha aynu kaga bad-baadayno Aakhiro iyo adduun,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Sidoo kale, waxa iyana halkaasi ka hadlay culimo guddida wanaag-farista oo dhamaan tood soo dhaweeyey hoggaanka cusub ee loo doortay guddida wanaag-farista Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale oo ay ku sifeeyeen Sheekh hanan kara xilka loo dhiibay.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories