Home“Guddiga Taakulaynta Abaaraha waxa loo sameeyey kalsooni-darro ma ahayn laakiin waxa ay...

“Guddiga Taakulaynta Abaaraha waxa loo sameeyey kalsooni-darro ma ahayn laakiin waxa ay ahayd in Xoogga, Maskaxda, iyo Mururqa bulshada qarankan la Mideeyo” – Wasiirka Madaxtooyada JSL.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay munaasibad ay isugu yimaaddeen Guddiga Taakuleynta Abaaraha, ayaa faahfaahin ka bixiyey sababaha loo sameeyey guddigaas, isagoo dhinaca kale dedafeeyey eedayn loo jeediyey Guddiga oo la xidhiidha habka maamul ee lacagaha ay soo ururiyeen.

099A4739“Ujeedada ugu weyn ee munaasibadan loo qabtay waxa ay ahayd guddigii taakulaynta abaaraha qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu magacaabay in ay halkan ku soo bandhigaan xisaab celin iyo tallo bixin. Wixii soo galay xoolaha ummadda ha ka soo galaan ama qaadhaankii ganacsatada ay ka qaadeen ha noqoto, ama wixii raashin mucaawimo inoo yimid ee ay maamuleen inay ka waramaan wixii soo galay iyo wax waliba halkii ay ku baxeen,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka oo ka hadlayay munaasibadda.

Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Bini-aadamku inay xisaabtamaa waa wax qiimo badan ILAAHAY ayaa (SWT) inoo jideeyey oo ina baray inuu dunidan ina keenay, khaliif inooga dhigay inana xisaabi doono, sidoo kale innaguna inaynu xisaabtanaa waa wax wanaagsan, waxa kale oo wanaagsan inaynu wax wanaagsan malayno, dhaqamada xumaaday ayey ka mid tahay inaynu wax xun uu iska malayno oo kii xilka loo dhiibato la tuhmo oo tuug la moodo, oo la yidhaa wax buu cunayaa, dhaqamada xumaaday ee bulsho ahaan aynu u baahan nahay inaynu dib u dhisno ayey ka mid tahay.”

“Kalsoonida iyo is aaminku waa waxyaabaha ay ummaddu ku dhisanto, haday Ummaddu dhexdeeda kalsooni darro ka dhalato, is aaminku ka dhinto midba mid tuhmo, ummadaasi ma horumarto, waxaan shacbiga reer Somaliland leenahay cidii aynu wax u dhiibano waxa waajib ah in la aamino, waxa waajib ah in lagu kalsoonaado, qofka la aaminay ee xilka loo dhiibayna waxa daw ku ah inuu ILAAHAY ka yaabo, waxa loo dhiibayna uu si wacan u maamulo,” ayuu yidhi Md Xaashi.

Isagoo ka hadlayey sababaha loo sameeyey Guddiga iyo natiijada wax-qabadka laga filayo, waxa uu yidhi, “Madaxweynuhu wuxuu guddidan u magacaabay ujeedo gun dheer, xaalad qayri caadi ah ayaa innagu soo korodhay, marka uu hogaamiyaha wanaagsani uu garto in ummaddani u baahan tahay talaabooyin ay kaga samato baxaan duruufaha yimid, abaar weyn ayaa timid, oo aynaan qorshaha ku darsan, oo kayd raashin u lahayn, dhaqankeenii wax beerashadu uu is badalay, waxa uu Madaxweynuhu lagama maarmaan u arkay guddi gun weyn oo balaadhan inuu sameeyo, guddigan ayuu samaayey,  Madaxweynaha iyo xukuumadiisa waa la doortay, hantida ummadana iyagaa maamula, guddiga waxa loo samaayey kalsooni darro ma ahayn laakiin waxa ay ahayd in xooga, maskaxda, maanka iyo mururqa bulshda qarankan la mideeyo.”

Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu iftiimiyey mowqifka ay xukuumad ahaan ka qaban wax-qabadka Guddiga iyo Kalsoonida ay siiyeen, “Waxaanu xukuumad ahaan ka markhaati kacaynaa in guddigii taakulaynta abaaraha qaranku inay u shaqeeyeen intii awoodeeda ahayn si daacadnimo ah, duqlaad leh xilkasnimo leh, culays badan ayaa ka hor yimid, xogogaal ayaanu u nahay, annagu waxaanu nahay rag hawli dishootay oo maalin walba ay waxani haystaan laakiin runtii culimada halkan joogta iyo ganacsatadni waxay nala arkeen culayskii na haystay iyo dhibaatadii na haysatay, iyo mashaakilka bulshadan haysta ayey si waaqici ah u akreen. Waxaanu ku bogaadinaynaa hawshaa siday u guteen waxaanu ku boagaadinayaa siday ugu dulqaateen duruufihii kala duwanaa, waxa kale oo aanu bogaadinayaa dadkii kala duwanaa ee ka qayb qaatay qaaadhaan ururtii la samaayey,” ayuu yidhi Md Xaashi, isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu intaas ku daray, “Culimadu iyo ganacsatadu waxay xogogaal ka noqodeen oo nala ogaadeen in lays tuhmo, oo waxaas la shubayo intooda badani ay been yihiin, waa khibaradaha ay heleen, culimadu hadalkii kuma ay darine, waayo waa la tuhmay, waa la warmeeyey waa ka raaligalinaynaa wixii nabaro ku dhacay, nadabraa gardarada ah, annagu waanu iska jidhifaysanay oo waanu iska dulqaadanaaa.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories