HomeGuddiga Samaynta Waddada Dawga Cad ee Waqooyiga Hargeysa oo Dawladda ka Dalbaday...

Guddiga Samaynta Waddada Dawga Cad ee Waqooyiga Hargeysa oo Dawladda ka Dalbaday Qalab uu La’aantii Dhismaha Jidku u Joogsanayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Guddiga dadweynaha ee isku  xilqaamay samaynta jidka dawga Cad ee isku xidha gobolka Hargeysa iyo xeebta waqooyi, ayaa shaaca ka qaaday in hawshoodu istaagayso, kadib markii uu ka go’ay qayb ka mid ah qalabkii buuraha lagu bannaynayey.

Guddigu waxay sheegeen in samaynta dawga oo hadda socotay muddo bil iyo badh ah uu wejigiisii hore gebogabo ku dhaw yahay, balse qaybtii u dambaysay wejiga oo goob buuro adag ku taal ay ka go’een miinooyinkii lagu qarxinayey, taasina ay halis ku tahay inay joojiso shaqadii la waday, waxaannay dawladda ka dalbadeen inay siiso miinooyinkaasi loo baahan yahay.

blankSidaasina waxay guddigu ka sheegeen kulan ballaadhan oo xalay huteelka Maansoor kula yeesheen dad isugu jira masuuliyin dawladda ka tirsan, xildhibaanno, salaadiin, ganacsato, aqoonyahan iyo haween, kaas oo ay ku soo bandhigeen filim ka turjumaya dhismaha jidka, isla markaana ay xog-waran la xidhiidha baahiyaha hortaagan hawshooda iyo qorshahooda wejiyada dambe ee dadaalkooda.

Guddoomiyaha Guddiga dadweynaha ee isku xilqaamay samaynta jidka dawga Cad Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo kulanka faahfaahin ka siiyey hawsha ay hayaan, ayaa sheegay in hawsha lagu samaynayo jidka dawga Cad oo qaybtiisa hore gebogabo ku dhawdahay ay la soo deristay caqabad farsamo, “Baahida u wayn ee manta na hortaagan waxa weeye miinnada, waxaannu ilaa saddex jeer codsanay in nala siiyo miinnooyin hawlgab ah ee aan la isticmaalayn in aannu ku qarxino dhagaxa buurta, waxaad moodaa in fandhaal naloo darayo, iyadoo shaqada aannu haynaa tahay tii dawladda. Waxa laga maarmaan ah in miinno la helo laba maalmod gudahood haddii klae shaqadu istaagaysaa,” ayuu yidhi Cabdiqaadir Xaashi.

Waxa kale oo uu iftiimiyey baaxadda hawsha samaynta dawgu, waxaannu yidhi, “Kharashka hawsha ku baxaa aad buu u badan yahay, cagafta hawsha wadaa saacadii waxay qaadataa $50, toban saacadood haddii ay shaqeeyaan waa $1000 (kun dollar), mashiinka dhulka dalooliya wuxuu qaataa $120 doollar  maalintii, shaqaale badan baa joogga markaa lacag fara badan ayaa meesha ku socota, dadweynuhuna gacan weyn kamay gaysan. Qaybtii hore oo ah dawga Cad wuu dhammaaday waxa iminka la bilaabay qaybta dawga ee la yidhaa Camuud oo ah meesha ugu adag oo buur dhan la dhexmaryo.

Guddoomiyaha guddigu waxa uu sheegay in marka la dhammeeyo wejiga hore ee bannaynta iyo ballaadhinta dawga loo gudbi doono sidii jidka laami looga dhigi lahaa, si aannu dadaalkii la geliyey u baabi’in ee uu u noqdo mid dhammaystiran, isagoo xusay in nidaam lagu ilaaliyo dayactirkiisa la samayn doono. Waxa kale oo uu tilmaamay muhiimadda dawgaasi u leeyahay dalka dhinaca isu socodka labada dale e Somaliland iyo Jabuuti iyo weliba ka faa’iidaysiga khayraadka badda.

blankAxmed Cali Dable oo isna ka tirsan Guddiga oo kullanka ka hadlay, ayaa isaguna ta’kiidiyey caqabada miino la’aanta ee ka hortimi habsami u socodka hawsha samaynta jidka, isagoo sheegay in hay’adda Miino-saarka Qaranka oo hawshaasi kala shaqaynaysay ay ka dhammaadeen miinooyin hore loo siiyey.

Mr. Dable waxa ka sakow dhismaha dawga uu soo jeediyey in la saxo jidka ka baxa caasimadda Hargeysa ee taga dawga Cad oo magaalada u jira masaafo dhan 55km, kaas oo aan astaysnayn ee meelo badan waddooyin ka baxaan, isagoo xusay in arrintaas la iska kaashado dawladda hoose ee Hargeysa, “Wado keliya oo dawgii tagaysa oo magaalada ka baxdaa ma jirto ee way badan yihiin, sidaa daraadeed maadaama dawgii lacag badani gelayso waa in jidka la asteeyo. Markaad eegto 55km dhulka dadku leeyahay aad buu u yar yahay inta kale waa dhul Ilaahay oo way fududahay in jid toosan laga sameeyo.”

Guddoomiyaha Guddiga Cabdiqaadir Xaashi iyo Axmed Cali Dable waxay shacabka ugu baaqeen inay ka qaybqaataan samaynta jidkaasi oo ay jeebka gacanta geliyaan, iyagoo xasuusiyey qiimaha adduunyo iyo aakhiro ee arrintaasi leedahay.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey samaynta jidka dawga Cad oo uu ku tilmaamay waxqabad ballaadhan oo loo baahan yahay in laga midho-dhaliyo. Waxaannu ballanqaaday in ka dawlad ahaan ay diyaar la yihiin wax kasta oo ay awoodaan, isla markaana ay la baadigoobi doonaan baahida soo baxday ee miinooyinka.

Waxa kale oo hadallo tallooyin ah kulanka ka jeediyey Xildhibaan Bashiir Dukaale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Daakhiliga Cabdillaahi Xuseen (Ballaaki), Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac iyo xubno kale, kuwaas oo soo jeediyey in aan laga caajisin dhammaystirka mashruuca samaynta Dawga Cad oo ay sheegeen inuu tusaale u noqon doono wax-wada qabsiga bulshada.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories