HomeGuddiga Qandaraasyada Qaranka oo soo bandhigay 6 Lix Mashruuc oo ay tartan...

Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo soo bandhigay 6 Lix Mashruuc oo ay tartan u galeen 46 Shirkadood iyo Gobollada laga fulinayo (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraayada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta furay tartan loo galayo Lix Mashruuc oo laga fulinayo qaar ka mid ah gobollada iyo degmooyinka ee dalka.

Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyada oo lagu shaaciyey lixda mashruuc oo ay goob-joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada oo uu wehelinayo Agaasimaha iyo masuuliyiinta Guddiga Qandaraasyada, waxa ka qayb-galay 46 Shirkadood oo isu diiwaangeliyey inay ka qayb-qaataan tartan ay u galaan lixdaas mashruuc.

Mashaariicda oo dhammaantood la xidhiidha horumarinta adeegyada Aasaasiga ah ee Bulshada, waxa ka mid ah Xafiis Cusub iyo Qol Store ah oo lagu kordhinayo Dugsiga Qool-cadey ee gobolka Daad-madheedh, Dayac-tirka Dugsiyada Cabdisalaan, Bursade, Suuqsade iyo Abdaal ee gobolka Saaxil, Xarunta Waxbarashada ee Buuhoodle, Dhismaha Xarunta Waxbarashada ee Badhan, Dhismaha iyo Dayac-tirka Jeelka Gabiley, iyo Dhismaha Jeelka Minjo-Caseeye ee gobolka Saaxil.

blank

Xubno ka mid ah shirkadaha ku tartamayay lixda Mashruuc oo halkaas ka hadlay, ayaa Guddiga Qandaraasyada ku ammaanay hannaanka ay u soo bandhigeen mashaariicda iyo qaabka ay shirkaduhu ugu tartamayaan.

“Anigu waxaan ka socdaa shirkadda Bijek Construction oo ka jirta gobolka Saaxil. Haddaanu nahay dadka ku hawlan dhismaha, aad baanu u soo dhawaynaynaa hawlaha Guddigu u hayso qaranka,” Sidaas waxa yidhi masuul ku hadlayey magac shirkad dhisme oo u tartamaysa mashaariic laga hirgelinayo gobolka Saaxil.

blank

Masuul u hadlay shirkad dhisme oo xarunteedu tahay magaalada Badhan una tartamaya mashruuca dhismaha Xarunta waxbarashada ee Badhan oo halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaan aad iyo aad ugu mahad-celinayaa qolada qandaraasyada, Soomaalidu waxay tidhaahdaa, ‘War dhafoor buu ku yaallaa’, warku halkaas buu ku yaalaa, warkaas qoran ee inaas ka badan 30-ka shirkadood nimankaas u caddaaladda samaynaya ee kala saaraya, aad iyo aad baanu ugu mahad-celinaynaa. Madaxweynihii soo igmadayna waxaan odhan karnaa, ciddii ku munaasibka ahayd buu u dooray shaqadan. Anigu shirkad ahaan mashruuca aan u tartamayaa waa dalka halka ugu dambaysa oo faro-gelin badanna ku jirto, caddaalad bay noo samaynayaa oo shirkado reer Badhan ah baanu ku tartamaynaa.”

blank

Intaas kaddib, Agaasimaha Guud ee Guddiga Qandaraasyada Qaranka Jamarde Saadle, ayaa si rasmi ah u furay inay shirkaduhu ku tartamaan Lixda mashruuc oo shirkad waliba ay soo bandhigtay Kharashka lacageed ee ay ku fulinayso Mashruuca ay u tartamayso, waxaana magaca shirkad kasta halkaas ka xaadiriyey magacyada shirkadaha ka qayb-galaya tartanka.

blank

Gebo-gabadii waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen, waxaanu sheegay inay si caddaalad ah u soo bandhigi doonaan cidda ku guulaysata fulinta mashaariicda.

“Waxaanu furnay Lix mashruuc oo laga hirgeliyo gobollada iyo degmooyinka dalka. Waxa ku soo tartamay 46 shirkadood. Insha Allah waxaanu go’aanka kama dambaysta ay shaacin doonnaa maalinta Sabtida.

blank

Shirkadaha waxaan kula dar-daarmayaa, sidii caadada noo ahayd, inaad naga fishaan caddaalad, tartan caddaalad ah oo aan mad-madow ku jirin ayaanu idiin qaban-doonnaa,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Somaliland Md Nuux Maxamed Xuseen.

blank

blank

blank blank blank blank

 

Somalilandpost.net
Somalilandpost@live.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories