HomeGuddiga Qandaraasyada Qaranka oo Shaaciyey Magacyada Shirkado ku guulaystay Lix Mashruuc oo...

Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Shaaciyey Magacyada Shirkado ku guulaystay Lix Mashruuc oo loo tartamay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey Shirkado ku guulaystay fulinta Lix mashruuc oo Arbacadii todobaadkii hore ay tartan u galeen in ka badan 40 shirkadood oo xagga dhismaha ah, kuwaas oo dhammaantood ka hawl-gala gobollada iyo degmooyinka mashaariicda laga fulinayo.

Kulan Arbacadii ka qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka, ayaa Guddigu ku soo bandhigtay Lix Mashruuc oo dhammaantood la xidhiidha adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada, ayaa kala ah waxa ka mid ah Xafiis Cusub iyo Qol Store ah oo lagu kordhinayo Dugsiga Qool-cadey ee gobolka Daad-madheedh, Dayac-tirka Dugsiyada Cabdisalaan, Bursade, Suuqsade iyo Abdaal ee gobolka Saaxil, Xarunta Waxbarashada ee Buuhoodle, Dhismaha Xarunta Waxbarashada ee Badhan, Dhismaha iyo Dayac-tirka Jeelka Gabiley, iyo Dhismaha Jeelka Minjo-Caseeye ee gobolka Saaxil. Mashaariicda Guddigu soo bandhigtay waxa ku tartamay 46 shirkadood oo dhammaantood ka qayb-galay kulanka lagu shaaciyey tartanka mashaariicda, kuwaas oo Guddigu la ballantay shaaciinta natiijada loogu muddeeyey Sabtida maanta.

Haddaba, kulan Sabtida maanta ku qabsoomay xarunta Guddiga Qandaraasyada Qaranka isla markaana ay goob ka ahaayeen Guddiga Qandaraasyada oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Nuux Maxamed Xuseen iyo dhammaan shirkadihii tartanka ka qayb-galay, waxaana laga sheegay magacyada shirkadaha ku guulaystay Lixda Mashruucda oo laba ka mid ah loo fulinayo Ciidamada Asluubta, halka Afarta kalena yihiin bahda Waxbarashada.

blank
Maxamuud Axmed Baarcad, xubin ka tirsan Guddiga Qandaraasyada

Ugu horeyn, waxa kulanka ka hadlay Maxamuud Axmed Baarcad oo ah xubin ka tirsan Guddiga Qandaraasyada, waxaanu sheegay inay guddi ahaan kala xulista shirkadaha iyo kuwooda buuxiyey shuruudihii looga baahnaa ku mashquulsanaayeen Gelinkii dambe ee Arbacadii iyo labadii maalmood ee Khamiista iyo Jimcaha oo uu sheegay in xafiiskoodu shaqaynayey baaxadda culays ee hawshani leedahay awgeed.

Agaasimaha Guud ee Guddiga Qandaraasyada Qaranka Maxamed Axmed Xassan (Jabarti-Saadle) oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inay maalinba maalinta ka dambaysa horumar ka samaynayaan nidaamka ay u maraan Qandaraasyada ay baahiyaan iyo kala xulista shirkadaha ku tarmaya.

blank
Agaasimaha Guud ee Guddiga Qandaraasyada Qaranka

“Kumanaan mashruuc oo lagu tartamay ayaanu halkan ku soo qabanay oo ku shaacinnay, maalinba ninbaa guulaysanaya, maalinna cidbaa guul-darraysata, laakiin waxa muhiim ah inaynu qaran ahaan guulaysanay. Waynu koraynaa, nidaamka qandaraasyada maalinba maalinta ka dambaysa si waafi ah oo aad u miisaan badan oo la fahmayo loo sii marinayaa,” Sidaas ayuu yidhi Agaasime Maxamed Axmed Xasan, waxaanu halkaas uga duceeyey shirkadaha guulaystay ee dusha ku qaatay culayska masuuliyadda loo igmaday.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Mr Nuux Maxamed Xuseen oo munaasibadda ka hadlay, waxa uu shaaciyey magacyada shirkadaha ku guulaystay fulinta lixda mashruuc ee tartankooda hore loo furay.

blank
Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Nuux Maxamed Xuseen

“Waxaynu halkan ugu ballansanayn inay shaacinno lixdaas mashruuc shirkadihii ku guulaystay. Haddaan gudo galo oo kala sheego, waxa loo kala guulaystay Sidan:-

b) Dhismaha iyo Dayac-tirka Jeelka Gabiley, waxa Short-list (Isugu soo baxay) galay; Meecaad Construction Company, Modern Enterprise, Netco Construction Company. Waxa ku guulaystay Meecaad Construction.

t)- Dhismaha Jeelka Minja-caseeye, waxa Short-list (Isugu soo baxay) galay; Saxfo Construction Company, Sacdo Construction Company iyo Qaydar Construction. Waxa ku guulaystay Saxfo Construction Company.

j)- Dhismaha Xarunta Waxbarashada ee Buuhoodle, waxa Short-list (Isugu soo baxay) galay; Nasteexo Construction Co., Surad Construction Co. Waxa ku guulaystay Nasteexo Construction Company.

x)- Dhismaha Xarunta Waxbarashada Badhan, waxa Short-list (Isugu soo baxay) galay; Yucub Construction Co., Pillar Construction Co. Waxa ku guulaystay Yucub Construction Company.

kh)- Dhismaha iyo Dayac-tirka Afarta School ee Cabdisalaan, Bursade, Suuqsade iyo Abdaal, waxa Short-list (Isugu soo baxay) galay; Beach Construction Company, Masno Construction Co., Muuq-dheer Construction Co. Waxa ku guulaystay Beach Construction Company.

d)- Dhismaha School-ka Qool-cadey, waxa Short List-ga (Isugu soo baxay) galay; Qaydar Constrution iyo Laan Construction. Waxa ku guulaystay Qaydar Construction Company.” Sidaas ayuu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland.

blank

Gebo-gebadii munaasibadda, waxa halkaas ka hadlay xubno ku hadlayey magaca shirkadaha ku guulaystay qandaraasyada iyo sidoo kale shirkadaha laga guulaystayba, kuwaas oo dhammaantood ka markhaati kacay sida ay ugu qanacsan yihiin garsoorka guddiga Qandaraasyada.

blank
Xubin ku hadlaysay magaca shirkad guulaysatay

“Si Caddaalad ah ayaad hawsha u waddaan, waan hambalyeynayaa guddiga, waayo waxaanu ku qanacsanayn hawsha aad waddaan,” Sidaa waxa yidhi masuul ku hadlayey magacaa mid ka mid ah shirkadaha guulaystay.

blank
Xubin ku hadlay magaca Shirkad laga guulaystay

“Runtii intii tartankaasi dhacayey waanu la soconey, marna kamaanaan hadhin, balse marna maanaan guulaysan, haddana waan hambalyeynayaa, waayo sida guddiga qandaraasyadu waxa u wadaan aad baanu ugu qanacsanahay,” Sidaasna waxa yidhi masuul ku hadlayey magaca mid ka mid ah shirkadaha u tartamayey fulinta mashaariicdan, balse lagaga fuulaystay.

blank

Si kastaba ha ahaatee, Lixda Mashruuc ee guddigu maanta shaaciyey, ayaa qayb ka ah mashaariicaha ugu waaweyn ee ay bulshada u soo bandhigeen Guddiga Qandaraasyada Qaranku muddadii ay xilka hayeen, iyadoo xubnaha Guddigan oo la kowsaday xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi, ay bulshadu ku tilmaanto inay wax weyn ka beddeleen nidaamka loogu tartamo qandaraasyada ay dowladdu baahiso oo dad badan ku ammaaneen hawl-qabadkooda, in kasta oo dadka qaarkoodna tuhunno ka muujiyaan hannaanka Guddigu u marto nidaamka halbeeg ee kala xulashada tartamayaasha ka qayb-qaata mashaariicda la shaaciyo.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories