HomeGuddiga Qandaraasyada Qaranka oo Shaaciyey Magacyada Shirkadaha ku Guulaystay Lix Mashruuc oo...

Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Shaaciyey Magacyada Shirkadaha ku Guulaystay Lix Mashruuc oo loo Tartamay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey Shirkado ku guulaystay tartanka loo galay Lix Mashruuc oo dhismeyaal u badan oo loo fulinayo hay’adaha Dowladda.

blankQandaraasyada Mashaariicda oo Guddigu hore u shaacisay isla markaana ay ka qayb-qaateen una tartameen 77 shirkadood oo waddani ah oo Arbacadii todobaadkii hore tartankooda la daah-furay, maanta oo Axad ahna loo ballansanaa in go’aanka ugu dambeeya la shaaciyo, ayaa ah dhismeyaal loo hirgelinayo iyo dayac-tir lagu samaynayo Xarumaha hay’adaha Dowladda ee gobollada dalka.

Shirkadaha ku guulaystay Mashaariicda ay u tartameen, ayaa lagu shaaciyey Kulan ballaadhan oo ku qabsoomay Xarunta guddiga Qandaraasyada Qaranka, waxaana kulanka ka qayb-galay Xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Shirkadaha tartanka ka qayb-galay iyo qaar ka mid ah masuuliyiinta hay’adaha Dowladda ee Mashaariicda loo fulinayo.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Nuux Maxamed Xuseenhalkaas ka shaaciyey magacyada shirkadaha guulaystay iyo Shirkad waliba qandaraaska ay ku soo baxday, kuwaas oo tiradoodu tahay Lix Shirkadood.

blankSida uu shaaciyey Guddoomiye Nuux Maxamed Saleebaan, Qandaraaska Dhismaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo tartankiisa isugu soo hadheen Shirkadaha Modern Enterprise, Netco Construction iyo Global Construction, waxa mashruucaas ku guulaysatay shirkadda Modern Enterprise.

Dhismaha Xarunta Madbacadda Qaranka oo ay isugu hadheen shirkadaha kala ah Heemaal Construction, Ileys Construction iyo Cawaale Construction, waxana uu guddoomiyuhu sheegay inay Qandaraaska ku guulaysatay shirkadda Heemaal Construction Company.

Faahfaahinta Warkan, masuuliyiinta iyo Shirkadaha ka Qayb-galay tartanka oo ka hadlay Madasha, kaga bogo Muuqaalka Hoose

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories