HomeGuddiga Qandaraasyada Qaranka oo Kormeeray Mashaariic laga fuliyey Gobolka Hawd

Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Kormeeray Mashaariic laga fuliyey Gobolka Hawd

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Balligudbadle (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan Guddigaas, ayaa maanta kormeer ay ku daba-galayaan qaabka loo fuliyey ku sameeyeen mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada Balligubadle iyo deegaamo kale oo ka tirsan Gobolka Hawd.

Weftiga Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo muddooyinkii u dambeeyey ku gudo-jiray kormeer ay ugu kuur-galayaan mashaariic kala duwan oo kharashka ku baxay laga maalgeliyey miisaaniyadda Qaranka oo gobollada dalka laga hirgeliyey saddexdii sanno ee u dambeeyey, ayaa maanta indhahooda ku soo arkay qaabka loo fuliyey iyo habsami-u-socodka mashaariicdan oo ay ka mid yihiin Xarunta Caafimaadka Dhallaanka iyo Hooyada ee tuulada Aadan Abokor oo ka tirsan gobolka Hawd iyo Afar mashruuc oo laga hirgelinayo magaalada Balligubadle, kuwaas oo uu ka mid yahay Garoonka Kubadda Cagta ee magaaladaas.

Guddiga Qandaraasyada waxa habsami-u-socodka Mashaariicda kuwooda hirgalay ee lagu shaqeeyo iyo kuwa xilligan gacanta lagu hayo faahfaahin ka siiyey Guddoomiyaha Gobolka Hawd iyo Wax-garadka Deegaanka iyo Isu-duwayaasha Gobolka ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha dowladda ee Mashaariicaha loo fuliyey.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ujeeddada kormeerkoodu tahay mid ay ugu kuur-galayaan Mashaariic laga fuliyey gobollada dalka muddadii saddex sanno ahayd ee ay talada haysay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

Kormeerka Weftiga Guddiga Qandaraasyada iyo Gobollada ay soo mareen

Kormeerkan Guddigu ku tageen gobolka Hawd, ayaa noqonaya kii toddobaad ee ay ku galaa-bixiyaan gobollada dalka, iyaga oo hore u soo kormeeray mashaariic laga fuliyey iyo qaar ka socda gobollada Sanaag, Sool, Togdheer, Daadmadheedh iyo Saaxil.

Guddiga Qandaraasyada Qaranka ayaa 28-kii December, 2020 kormeerkoodii u horreeyey ka bilaabay Dhismaha Xarunta Jaamacadda degmada Garadag oo inteeda badan la dhammeystiray, waxaanay halkaas warbixin kaga dhegaysteen maamulka degmada oo xog-warran ka siiyey habsami-u-socodka dhismaha jaamacadda.

Waxa ku xigay kormeer ay 29-kii December ee sannadkii hore ku gaadheen degmada Ceerigaabo, waxaanay si gooni-gooni ah kormeer ugu sameeyeen dhowr mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada. Mashaariicda oo dhismeyaal u badan waxa ka mid ah Dhismaha Aqalka Madaxtooyada ee Ceerigaabo, Dhismaha Xarunta Xeer-ilaalinta Gobolka, Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta, Dhismaha Deyrka Jaamacadda Sanaag University ee magaalada Ceerigaabo, Xarunta Ciidanka Birmadka iyo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Ceerigaabo.

Sidoo kale, 30-kii December, waxa ay weftiga Guddiga Qandaraasyadu gaadheen magaalada Laascaanood, halkaas oo kulan ay la yeesheen maamulka gobolka kaddib ay kormeerkooda ku indho-indheeyeen mashaariic kala duwan oo xukuumaddu ka hirgelisay degmada Laascaanood, kuwaas oo ay ka mid yihiinkuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha Xarunta Dab-demiska ee Laascaanood iyo Dib-u-habayn lagu sameeyey Garoonka kubadda Cagta ee magaaladaas.

Weftiga oo ku gudo-jira safarkooda ay ku kormeerayaan mashaariicaha xukuumaddu hirgelisay oo ay guddi ahaan uga masuul yihiin bixintooda iyo hubintoodaba, ayaa 31-kii December kormeer ku sameeyey dhowr mashruuc oo xukuumaddu ka hirgelisay magaalada Burco, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismeyaal lagu kordhiyey Cusbitaalka Burco, Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee Burco, Dib-u-dhis iyo Dayac-tir lagu sameeyey Biriishka magaalada Burco iyo Mashaariic kale.

Waxa kale oo Guddiga Qandaraasyada 02 January 2021 socdaal ku gaadheen magaalada Oodweyne ee Xarunta gobolka Daad-madheedh, halkaas oo ay ku soo indho-indheeyeen mashaariic ay xukuumaddu ka hirgeliyey degmada Oodweyne, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dhismaha Maxkamadda Gobolka Daad-madheedh, Dhismaha Xabsiga Oodweyne iyo Garoonka Kubadda Cagta ee magaalada oo dhismihiisu socdo.

Kormeerkii ugu dambeeyey ee Guddigu kaga soo laabtay gobollada Bari ee dalka, waxa ay 3-dii bishan January ku indho-indheeyey mashaariic xukuumaddu ka fulisay degmada Berbera ee gobolka Saaxil, kuwaas oo ay ka mid yihiin Garoonka Kubadda Cagta oo la dhigay Roogga Cagaaran, Sheybaadhka Qaranka oo lagu baadhi doono tayada Raashinta iyo Daawooyinka, Kawaanka Xoolaha iyo Tallaagada Kalluunka lagu qaboojiyo iyo Doonyo Cusub oo loo iibiyey Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories