HomeGuddiga Qandaraasyada Qaranka oo Daah-furay Tartan loo galayo Mashaariic hay'adaha Dowladda loo...

Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Daah-furay Tartan loo galayo Mashaariic hay’adaha Dowladda loo fulinayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta daah-furay Tartan loo geli doono Afar Mashruuc oo loo fulinayo hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

blankMashaariicda ayaa tartankooda lagu daah-furay Kulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyada oo ay goob-joog ka ahaayeen Xubnaha Guddiga, masuuliyiinta hay’adaha dowladda ee loo fulinayo Mashaariicda iyo xubno metelayey Shirkadaha ka qayb-qaadanaya Tartanka Mashaariicdan.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo madasha kulanka ka hadlay, ayaa sharraxay noocyada ay yihiin mashaariicda loo fulinayo hay’adaha dowladda oo tartankooda ay ka qayb-qaadanayaan 15 shirkadood oo waddani ah.

“Maanta waxaanu halkan ka shaacinaynaa Afar Mashruuc oo kala ah. Dhismaha Garoonka Kubadda Cagta ee gobolka Saraar ee degmada Caynaba , Dhismaha wasaaradda Ganacsiga looga dhisayo gobolka Awdal deegaanka Abaaso, Raashin loo doonayo hay’adda U-diyaar-garowga Masiibooyinka iyo Keydka Raashinka iyo Qalab ICT ah oo loo doonayo Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda,” Sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen, waxaanu halkaas ka ballan-qaaday inay si caddaalad ah u kala saari doonaan shirkadaha tartanka ka qayb-galay.

blankAgaasimaha Guud ee Guddiga Qandaraasyada Maxamed Axmed Xasan (Jabarti-Saadle) oo isaguna halkaas ka hadlay, waxa uu faahfaahiyey tirada shirkadaha soo xeraystay Mashruuc kasta ee buuxiyey shuruudihii looga baahnaa.

Waxa kale oo Madasha hadallo ka jeediyey masuuliyiinta shirkadaha tartanka ka qayb-qaatay oo kalsooni ka muujiyey rejada ay ka qabaan natiijada ka soo bixi doonta go’aanka Guddiga Qandaraasyadu ku kala saarayaan shirkadaha.

Muuqaalkan Hoose kaga Bogo Warkan oo faahfaahsan.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories