HomeGuddiga Qandaraasyada Qaranka oo Daah-furay Lix Mashruuc oo 77 Shirkadood ku tartamayaan

Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Daah-furay Lix Mashruuc oo 77 Shirkadood ku tartamayaan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada ee Somaliland, ayaa maanta daah-furay Qandaraasyada Tartan loo gelay Lix mashruuc xukuumaddu u fulinayso Xarumaha hay’adaha iyo Wasaaradaha dowladda ee dalka.

blank

 

Lixda Mashruuc oo Qandaraaskooda la baahiyey 23-kii September oo loogu soo bandhigay warbaahinta isla markaana tartankiisu furnaa ilaa 1-dii bishan October, ayaa intooda badani yihiin dhismeyaal cusub iyo Dayac-tir lagu samaynayo Xarumaha hay’ado ka tirsan dowladda.

Daah-furka Mashaariicda loo tartamay oo lagu shaaciyey kulan ballaadhan oo ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyada, waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Guddigaas Nuux Maxamed Xuseen, Xubno kale oo Guddiga ka tirsan, Agaasimaha Guud ee Guddiga Qandaraasyada, Wasiiro xukuumadda ka tirsan iyo Wakiillo ka socday Shirkadaha tartanka ka qayb-galay.

blankLixda Mashruuc ee qandaraaskooda la daah-furay, waxa ka qayb-qaatay 77 Shirkadood oo Xarunta Guddiga u soo gudbiyey Dokuments-kooda la xidhiidha shuruudaha looga baahan yahay ee ay tartanka kaga qayb-galeen, taas oo bilaabantay 23-kii bishii 9aad isla markaana wakhtigeedu ku ekaa 1-da bisha 10aad oo Salaasadii shalay ku beegnayd.

Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Guddiga Qandaraasyada Qaranka Maxamed Axmed Xasan (Jabarti-Saadle) oo faahfaahin ka bixiyey noocyada mashaariicda loo tartamay, shirkadaha ka qayb-qaatay iyo Guddi ahaan masuuliyadii ka saarnayd ee ay ka guteen muddo 9 cisho ah oo ay socotay qabashada dokumentiyada shirkadaha u tartamaya.

blank“23-ka bishii 9aad ayay shaqadu bilaabmatay, waxaanay soo xidhantay bisha 1-deedii, Muddo 9 cisho ah ayay socotay hawshu, guddoomiyuhuna wuxuu halkan kaga dhawaaqay shirkad walba iyo wixii ay soo gudbisay,” Sidaas ayuu yidhi Agaasimaha Guud, waxaanu sheegay in Maalinta Axadda ee todobaadka soo socda 10-ka Subaxnimo la shaacin doono Shirkadaha ku guulaystay fulinta Lixda Mashruuc.

blank

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Caasha Cabdilaahi Cilmi oo ka mid ah xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka, waxaanay tidhi, “Had iyo jeer shaqadayadu waxay tahay inaanu ku shaqayno si caddaalad ah, caddaaladduna annaga way noo wanaagsan tahay, umaddana way u wanaagsan tahay si aanu u kala saarno, annagoon cidna u eexanayn, waanu dedaalaynaa, Illaahayna waxaanu ka baryeynaa inuu nala garab-qabto.”

Xubno metelayey Shirkadaha ka qayb-qaatay tartanka mashaariicda oo halkaas ka hadlay, ayaa guddiga Qandaraasyada ku ammaanay Hannaanka ay u soo bandhigeen isla markaana u wadaan tartanka mashaariicda ay shaaciyeen. “Waan ku ammaanayaa guddiga hannaanka wanaagsan ee ay u soo bandhigeen, runtii waa arrin garsoor ah oo caddaaladi ka muuqato, aadna waan ugu kalsoonahay haddii aanu helno iyo hadii kaleba,” sidaas waxa yidhi masuul ku hadlayey magaca shirkad dhisme oo tartanka ka qayb-qaadanaysa.

blank“Waxaan ku ammaanaynaa guddiga Qandaraasyada qaabka ay u shaqeeyaan oo u muuqata mid qof waliba ku qanci karo oo uu caddaalad u arko,” sidaasna waxa yidhi masuul kale oo shirkaddiisu ka qayb-qaadanayso tartanka.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Axmed Muumin Seed oo Wasaaraddiisu ka mid tahay hay’adaha Dowladda ee loo fulinayo mashaariicda loo tartamay qaarkood, ayaa madasha ka hadlay, waxaanu sheegay inay wasaarad ahaan soo dhawayn doonaan lana shaqayn doonaan shirkadda ku guulaysata Qandaraaska dhismaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

blank“Koley cid uunbaa ku guulaysan doonta, annaguna wasaarad ahaan waanu soo dhawaynaynaa oo waan la shaqaynaynaa ciddii ku guulaysata. Guddigana waxaan ku ammaanayaa qaabka farshaxanka leh ee ay hawsha Qandaraaska u daadihinayaan,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Axmed Muumin Seed.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo madasha ka hadlay, ayaa ballan-qaaday inay caddaalad ah u kala saari doonaan shirkadaha tartanka ka qayb-galay.

“Saaka waxaanu furnay tartanka lix mashruuc, waxa tartan u galay 77 shirkadood. Koley ma wada guulaysanaysaan, waxa guulaysanaya lix shirkadood ama way ka yaraan kartaa. Waxaanu idiin ballan-qaadaynaa tartan caddaalad ah,” Sidaas ayuu yidhi Nuux Maxamed Xuseen.

Guddoomiyuhu waxa uu Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ku ammaanay hirgelinta hawsha masuuliyadeed uu u igmaday iyo Shacabka Somaliland u sinnaadaan ka faa’idaysiga ilaha dhaqaale ee dalka.

blank“Waxaan halkan uga mahad-celinayaa madaxweynaha Qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hirgeliyey, dhidibbadana u aasay in loo tartamo il-dhaqaaleedka dalka,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Maalinta Axadda oo ku beegan 6-da October, ayaa Guddigu u muddeysay inay shaacin doonto Lixda Shirkadood ee ku guulaysta fulinta Mashaariicda.

Somalilandpost.net
Somalilandpost@live.com

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories