HomeGuddiga Qandaraasyada Qaranka oo Baahiyey Shan Mashruuc oo loo tartamayo iyo Xilliga...

Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Baahiyey Shan Mashruuc oo loo tartamayo iyo Xilliga loo muddeeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta shaaciyey Mashaariic loo qabanayo hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo intooda badani yihiin dhismeyaal cusub iyo Dayac-tir lagu samaynayo Xarumaha hay’ado ka tirsan dowladda.

blankMashaariicda ayaa lagu shaaciyey Qoraal uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee Guddiga Qandaraasyada Qaranka Maxamed Axmed Xasan (Jabarti-Saadle), kaas oo lagu faahfaahiyey noocyada kala duwan ee Mashaariicda la fulinayo, waxaana lagu wargeliyey Shirkadaha dhismaha ee Waddani ah ee danaynaya ka-qayb-qaadashada tartanka mashaariicda inay Xarunta Guddiga Qandaraasyada u doontaan foomamka iyo Macluumaadka kale ee la xidhiidha tartanka Mashaariicda oo loo muddeeyey inay soo xidhmayaan 01-da Bisha October.

Qoraalka lagu baahiyey Qandaraasyadan oo sumaddiisu tahay GOD/08/63/2019 kuna taariikheysan 23/09/2019,  ayaa u qornaa sidan:  “Xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranku wuxuu baahinayaa isla markaana ku wargelinayaa Shirkadlayda Dhismayaasha reer Somaliland ee ka shaqeeya Hawlaha Dhismaha iyo Shirkadaha Iibiyaha Computer Tablets iyo Cid kasta oo danaynaysa u soo bandhigayaan Shan (5) Mashruuc oo dhismeyaal kala duwan ah iyo Computers Tablets oo loo doonayo Dowladda.

Faahfaahinta Dhismeyaasha iyo Computers Tablets, waxaa sida hoos ku qoran

S/N Nooca Mashruuca Faahfaahinta
1 Dayac-tirka iyo Dhismaha Wasaaradda Beeraha Dhisme Cusub & Dayac-tir
2 Dhismaha Xarunta Hay’adda La-dagaalanka Musuq-maasuqa Dhisme Cusub
3 Dayac-tirka iyo Dhisme Cusub oo lagu darayo Garoonka Kubadda Koleyga ee Tima-cadde Dayac-tir iyo Dhisme
4 Dhisme Cusub oo lagu kordhinayo Madbacadda Qaranka Dhisme Cusub
5 Dhismaha Xarunta Wasaaradda Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada ee Gobolka Saraar Dhisme Cusub
6 Computers Gacanta lagu Qaato (Tablets) Computer Tablets

 

F.G: Waxa lala socodsiinayaa dhammaan tartamayaasha Sharafta leh in qaadashada Qandaraaska Dhismeyaashu uu xidhmayo 01/10/2019 oo ku beegan Maalin Salaasa ah, Saacaddu markay tahay 12:00PM. Waxaana la furi doonaa Qandaraaska Dhismeyaasha iyo Computers Tablets 02/10/2019 oo ku beegan Arbaca, Saacaddu markay tahay 10:00AM, waxaana lagu furi doonaa Xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka.

Haddaba, shirkadaha danaynaya Qandaraaska Dhismeyaasha iyo Computers Tablets, hakala soo xidhiidho Xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ku yaalla Guriga Shaqaalaha Dhexdiisa ama Galbeedka Dhismaha Cumar Xaashi Building ama kala soo xidhiidh telefoonnada kala ah: 0634471788 ama 0634400437.” Sidaas ayaa lagu sheegay Qoraal loogu talo-galay warbaahinta oo lagu baahiyey Qandaraasyada loo soo bandhigay shirkadaha dalka.

 

Somalilandpost.net
somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories