HomeGuddiga Qandaraasyada oo Shaaciyey Shirkadaha ku guulaystay Mashaariic loo fulinayo hay'adaha Dowladda

Guddiga Qandaraasyada oo Shaaciyey Shirkadaha ku guulaystay Mashaariic loo fulinayo hay’adaha Dowladda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, ayaa maanta shaaciyey shirkadaha ku guulaystay mashaariic kala duwan oo xukuumaddu hirgelinayso kuwaas oo tartankooda hore loo naadiyey qandaraaskooda.

Mashaariicda loo tartamay waxa ka mid ah Dhismaha Buundooyinka waddada Isku xidha magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo, Qalab Caafimaad oo loo doonayo Cusbitaalka degmada Garba-dadar ee gobolka Awdal iyo Keenista Qalabka lagu baadho noocyada macdanta, kuwaas oo loo fulinayo wasaaradaha Horumarinta Jidadka, Horumarinta Caafimaadka iyo Macdanta & Tamarta.

blankKulan maanta ku qabsoomay Xarunta Guddiga Qandaraasyda Qaranka oo lagu shaaciyey natiijada ka soo baxday tartanka loo galay Mashaariicda, waxa goob-joog ka ahaa Xubnaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Shirkadaha tartanka ka qayb-galay iyo Masuuliyiin ka socday hay’adaha Dowladda ee Mashaariicda loo fulinayo.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ugu horeyn ka hadlay kulankaas, ayaa shaaciyey magacyada Shirkadaha ku guulaystay Mashaariicda.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in qandaraaska Mashruuca Dhismaha Buundooyinka Jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo ay ku tartameen 12 shirkadood halka Qandaraaska keenista Qalabka lagu baadho Macdanta ay ku tartameen Lix Shirkadood, balse ay ku guulaysatay shirkad lagu magacaabo Horn of Africa.

Warkan oo faahfaahsan iyo Hadallo ay kulanka ka jeediyeen xubno ka tirsan Guddiga Qandaraasyada Qaranka iyo Shirkadaha tartanka ka qayb-galay, kaga bogo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories