HomeGuddiga Nabadgelyada oo ka shiray Xoojinta Ammaanka gobolka Sool iyo Go'aamo ka...

Guddiga Nabadgelyada oo ka shiray Xoojinta Ammaanka gobolka Sool iyo Go’aamo ka soo baxay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood (SLpost)- Gudidda Nabad-gelyada ee Gobolka Sool oo kulan ku yeeshay xarunta maamulka maanta, ayaa soo saaray go’aamo hor leh oo lagu xoojinayo adkeynta ammaanka gobolka.

Kulanka maanta ku qabsoomay Xarunta Maamulka gobolka, waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, Maayarka Degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Sool Gaashaanle Sare Axmed Cabdilaahi Cabdi iyo Taliyaha Aagga bari ee Ciidanka qaranka Sareeye Guuto Cali Barre Xuseen.

blankKulanka kaddib, waxa go’aamada guddigu soo saaray oo siddeed qodob ka kooban warbaahinta la wadaagay Xoghayaha Maamulka Gobolka Sool, waxaanu sheegay in go’aamadani dhaqan-gal yihiin laga bilaabo maanta oo Axad ah.

Qodobbada ka soo baxay kulanka Guddiga nabadgelyada gobolka, waxa ay kala yihiin:

1- Qabashada Hubka.
2- Gaadiidka aan Taarikada lahayn oo Tallaabo laga qaadayo.
3- Adkaynta Nabadgelyada Wakhtiga Kala guurka.
4- Qoriga la qabto in la haynayo Mudo 3 bilood oo u dhiganta 90 maalmood.
5- Qofkii aan Ciidan ahayn ee lagu qabto Tuute isagoo xidhan sharciga ayaa la horgaynayaa.
6- In aan hub lagu qaadan karin magaalada dhexdeeda qofkii lagu qabto waa dambiile sharcigaana la horgaynayaa.
7- Baabuurta wareegta Saacadaha dambe habeenkii ee la garan waayo shaqada ay hayso, waa la qabanayaa.
8- Baabuurta Bersoll (Bacda lagu dhajiyo Muraayada) leh waa laga goynayaa.

Guddigu waxa ay sheegeen inay go’aamadani wax weyn ka tarayaan xoojinta nabadgalyada gobolka Sool maadaama xiligan la isu diyaarinayo doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Wakiilladda iyo deegaanka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories