HomeGuddiga ka-hortagga Covid-19 ee Somaliland oo Go'aamo Culus soo saaray, kuwo hore...

Guddiga ka-hortagga Covid-19 ee Somaliland oo Go’aamo Culus soo saaray, kuwo hore khafiifiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blankHargeysa (SLpost)- Guddiga heer Qaran ee ka hor-tagga Cudurka Covid-19 ee Somaliland, ayaa soo saaray go’aanno ay ku khafiifiyeen amarradii ay hore u soo saareen ee looga dan lahaa yaraynta faafitaanka xanuunkaaa.

War-qoraal ah oo ay soo saareen Axadda 31-ka May 2020 Guddiga Qaran, ayey ku sheegeen in Goobaha Ciyaaraha (sida: Garoomada, Playgrounds, Jimicsiga) la furi karo, balse lagu amrayo inay raacaan una hoggaansamaan dhammaan habraacyada loogu talagalay ka hortagga faafitaanka Covid-19, sida adeegsiga gafuur-xidhka, faro-gashiga iyo kala fogaanshaha Bulshada.

Warka ka soo baxay Guddiga heer Qaran ee Covid-19, ayaa u qornaa sidan:-

“GO’AAMADA AY GUDDIDA COVID-19 KU SAMEEYEEN DIB U EEGIS IYO KAABIS:

1. GOOBAHA CIYAARAHA:
Goobaha Ciyaaraha (sida: Garoomada, Playgrounds, Jimicsiga) waa la furi karaa, balse waxa lagu amrayaa inay raacaan una hoggaansamaan dhammaanba Habraacyada loogu tala galay ka Hortaga COVID-19 (sida: kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga). Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal baa lagu samayn doonaa.

2. GAADIIDKA DADWEYNAHA:
Dhammaan Gaadiidka Dadweynaha noocyadiisa kala duwan; sida: basaska rakaabka, tagaasida, tikta (bajaaj) ma jiraan wax iska bedelay go’aamadii ay Guddida COVID-19 hore u soo saartay, waxana ay ahaanayaan sidoodii hore ilaa 30-ka June 2020.

Sidoo kale, dhammaanba Gaadiidka Dadweynaha noocyadiisa kala duwan waxa lagu amrayaa in ay raacaan una hoggaansamaan dhammaanba Habraacyada loogu tala galay ka Hortaga COVID-19 (sida: kala fogaanshaha, af-saabka iyo gacmo gashiga). Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal baa lagu samayn doonaa.

3. MASAAJIDADA:
Dhammaan Masaajidada waxa lagu amrayaa in ay raacaan dhammaanba hab-raacyada loogu tala galay ka hortaga COVID-19 (sida: sijaajadaha, kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga).

Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal ayaa lagu samayn doonaa. Sidoo kale, waxa xidhnaanaya Musqulaha iyo Goobaha weysada.

4. GOOBAHA SHAQADA & GANACSIGA:
Dhammaan Goobaha Shaqada iyo Ganacsiga waxa lagu amrayaa in ay raacaan dhammaanba Habraacyada loogu tala galay ka Hortaga COVID-19 (sIda: kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga). Hab-raacyadaa iyaga ah, marka hore Guddidu way hubin doontaa, ka bacdina dabagal baa lagu samayn doonaa.

5. DUULIMAADYADA DIYAARADAHA:
Duulimaadyada Diyaaradaha, kuwa ku socda iyo kuwa ka imanayaba, ma jiraan wax iska bedelay go’aamadii Guddida heer Qaran ee COVID-19 ay hore u soo saartay, waxayna ahaanayaan sidoodii ilaa 30-ka June 2020.

6. ISU-IMAATINKA BULSHADA:
Waxa gebi ahaanba reeban (mamnuuc ah) isu-imaatinka iyo isu-soo-ururka bulshada nooc kasta oo uu yahayba, wax ka badan 10 qof (oo raacaya habraacyada loogu tala galay ka hortaga COVID-19, sIda: kala fogaabshaha, faraxalka, af-saabka iyo gacmo gashiga). Wixii laga maarmi waayo, waxa ogolaansho Qoraal ah laga qaadanayaa Guddida Heer Qaran ee Ka hortagga iyo maaraynta Xanuunka COVID-19.” Sidaas ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Guddiga Covid-19 ee Somaliland.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories