HomeGuddiga Joogtada ah ee Wakiillada oo ka hadlay Cabasho Ganacsatada Gaadiidka...

Guddiga Joogtada ah ee Wakiillada oo ka hadlay Cabasho Ganacsatada Gaadiidka keena ka muujiyeen Lacag Xukuumaddu ku soo rogtay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa Saxaafadda u sheegay in Golaha Wakiilladu Wasiirka hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed wax ka weydiin doono Sharciyadda Lacagta lagu qaado Berbera ee 80-ka Doollar ah, taasoo gaadhigii kasta ee soo degaya laga qaado.

Ganacsatada Baabuurta iibisa ee Macdarrada ku leh magaalooyinka kala duwan ee dalka, ayaa ka qayliyey Lacagta Siddeetanka Doollar ah, waxaanay Ganacsatu gaashaanka ku dhufteen bixinta Lacagtaas oo ay diideen, isla markaana ku tilmaameen mid sharci-darro ah oo cid gaar ah lagu naas-nuujinayo, iyagoo mar ay Wasiirka la kulmeenna sheegay inay isku fahmi waayeen waxa ay ka cabanayeen iyo sida uu wax u rabo isagu.

iBRAAHIM MAHDI BUUBAAArrintan oo dhawrkii toddodaad ee u dambeeyey cabashada Ganacsatada Gaadiidka Gawaadhidu ka muujinayeen taagnayd, waxa ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo maanta Saxaafadda qaarkeed kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi; “Waxaannu leenahay Wasiirka Hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif, hadda dibedda ayuu ku maqan yahaye, marka uu soo noqdo Goleweynaha Wakiillada ayaannu ugu hor-yeedhi doonnaa. Waxa la su’aali doonaa arrintan halka uu ka keenay maaddaama oo aanay ahayn wax sharci ah oo Golaha Wakiillada soo maray.”

Xildhibaan Buubaa waxa uu sharci-darro ku tilmaamay lacagta lagu sheegay ilaalinta tayada Gaadiidka ee Baabuurta ka soo degaya Dekedda Berbera laga qaadayo oo caddadkeedu yahay $80 (siddeetan) Doollarka Maraykanka ah. “Waxaannu leenahay Wasiir adba waad ka war-haysaa inaanay arrintaasi sharci ahayn, Sharciyad ay ku fadhidaana aanay jirin. Waxaan sharci jidayn inaad jidayso oo ummadda la hor tagtana adigay nusqaan kugu tahay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo sidoo kale ah Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.

Waxaanu Xildhibaan Buubaa oo sii watay hadalkiisa intaas ku ladhay; “Ganacsatada waxaannu leenahay Cashuurtii Sharciga ahayd ee aanu idinku laban-laabnay uun baad bixin kartaan, waxaan Sharci ahayn, cidda idin weydiisaana way gar-daran tahay, ninka bixiyaana waa nin Qaranka duminaya oo xaaraan bixinaya oo laaluush bixinaya. Sidaas darteed, waxaannu idin faraynaa inaydaan Lacagtiinna dhayal ku bixin, haddii maanta taas bixisaanna berrina tu ka daran, ayaa la idin weydiin.”

Xildhibaanku waxa uu u mahad-naqay guddida Macdaarleyaasha Baabuurta soo dejiya ee diiday bixinta lacagtaas sharci-darrada ah, waxaanu yidhi; “Aad baan ugu mahad-naqayaa Guddiga Macdaarleyaasha ee arrintan diiday ee Xukuumadda yidhi na tusa Sharciga aad nagaga qaadaysaan, ee Xukuumaddu isku meeraysatay ee wax sharci ah oo ay tusto garan wayday. Waxaan leeyahay waad ilaaliseen Qaranka. Inta la soo baxday oo illaa hadda 100 gaadhi lagu sheegayna waxaannu leenahay arrin khalad ah baad samayseen.”

Wasiirka Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa bishii February ee sannadkan 2015-ka Xaflad u qabtay furitaanka Shirkad uu ugu yeedhay inay ka wada-shaqaynayaan qiimaynta tayada Gaadiidka Somaliland, isagoo bishii March ee aynu ka soo gudubnay Dekedda Berbera geeyey Koox Shirkaddaas ka tirsan oo uu sheegay inay hubinayaan tayada Baabuurta ka soo degaya Dekedda Berbera, isla markaana Gaadhi aanay tijaabini soo geli karin dalka, iyadoo kooxdaasi Gaadhi kasta oo ay tijaabiyaan ka qaadaya Lacag Siddeetan Doollar ah, taasoo ay Ganacsatada Gaadiidka soo dejiya intooda badanina ku gacan-saydheen, marar badanna cabashooyin ka muujiyeen. Ilaa Immika ka mijo wax ay Xukuumaddu ku beddeshay cabashooyinka Ganacsatada Gawaadhida soo dejiyaa muujiyeen.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories