HomeGuddiga Joogtada ah ee Guurtida oo Warbixin ka hor jeediyey Golaha baaq...

Guddiga Joogtada ah ee Guurtida oo Warbixin ka hor jeediyey Golaha baaq dhiirri-gelin ahna soo jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 28 February, 2012 (SLpost)- Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa fadhigoodii Maanta warbixin kaga dhagaystay hawl qabadkii Gudida Joogtada ah ee Golahaasi taas oo ay kaga xogwarameen waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu goluhu fasaxa ku maqnaa.

Fadhigan oo uu shir-gudoominayay ku simaha Gudoomiyaha Golaha Guurtida isla markaana ah Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golahaasi Sh. Axmed Sh.Nuux Fure, waxay ay guddiga Joogtada ah ee Goluhu Warbixintooda ku sheegeen kulamo ay la yeesheen:

1. Wasaarada Duulista iyo Hawada

2. Hay’ada Maamul wanaaga iyo La dagaalanka Musuq Maasuqa

3. Maayar ku xigeenka Caasimada Hargaysa

4. Akaadamiga Nabada iyo Horumarka Somaliland iyo

5. Warshada Wadaniga ah ee Samaynta Sharaabka ee SBI

Warbixintu waxa ay tilmaantay in kulamadii ay la yeesheen Mas’uuliyiinta Wasaarada Duulista iyo Hawada ay ku ogaadeen in Madaarada dalka lagu qabqabtay dad badan oo nabad galyada dalka

khal-khal gelin lahaa, Waxaa kale oo ay xuseen in Madaarada Waaweyn lagu xidhay Kaamaradaha lagula socdo dhaq dhaqaaqa dadka isla markaana la keenay Mishiinada Casriga ah ee wax lagu baadho.

Hay’ada Maamul Wanaaga ayaa warbixintu ku sheegtay mid ku cusub qaab dhismeedka dalka isla markaana jirtay mudo sannad iyo badh ah taas oo u dhutinaysa sida ay warbixinta gudida joogtada ah ee golaha guurtidu muujisay Sharciyadii ay ku shaqayn lahayd oo aan weli ka soo bixin labada Gole ee Baarlamanka .

Warbixinta oo ka hadlaysay Dawlada hoose ee Caasimada ayaa cadaysay in wixii ay dadweynuhu ka sugayeen aanay ka helin iyaguna aanay dhamaystirin adeegii ay bulshada uga mas’uulka ahaayeen.  Warbixintu waxay intaas ku dartay mashaariic dhinaca wadooyinka ah oo dawlada hoose ka hirgalisay Caasimada Hargaysa.

Akaadamiga Nabada iyo Horumarka Somaliland ayay Warbixintu ku tilmaantay mid ka shaqaysa dhinacyada dimuquraadiyada iyo maamul wanaaga isla markaana ka rajaysay sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa iyada iyo Golaha Guurtida .

Gaba gabadii waxay Warbixinta Gudida Joogtada ahi ka warantay kormeer ay xubnaha Gudidu ku tageen warshada wadaniga ah ee Samaynta Sharaabka ee Magaceeda loo soo gaabiyo (SBI) taas oo soo saarta Sharaab lagaga kaaftoomi karo ka dibada la inooga soo waarido.

Waxa ay gudidu gole weynaha u soo jeediyeen sida ugu haboon ee loo dhiirigelin karo wax soo saarka wadaniga ah loo iyo sidii sharaabkan loola tartan siin lahaa ka dibada la inooga keeno.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories