HomeGuddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida oo Kormeer indho-indhayn ah ku tagay...

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida oo Kormeer indho-indhayn ah ku tagay Xarunta Dhaqanka Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta kormeer ku tagay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waxaanay indho-indhayn ku sameeyeen qaybaha kala duwan ee xaruntu ka kooban tahay.

Kormeerka Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtidu ku tageen Xarunta waxa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac, Sheekh Maxamuud Sheekh Dalmar oo ka tirsan masuuliyiinta sare-sare ee Xarunta iyo Warbaahinta kala duwan ee dalka.

Kormeerka kaddib, waxa ay labada dhinac yeesheen kulan saacado qaatay oo warbaahintu dibad-joog ka ahayd, balse markii kulankaasi soo dhammaaday waxa ay si wada-jir ah ula hadleen warbaahinta.

blankGuddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac oo halkaas ka hadlay, ayaa xildhibaannada ka socday Golaha Guurtida uga mahad-celiyey booqashada ay ugu yimaaddeen, waxaanu yidhi, “Aad iyo aad ayay noo farxad gelisay inay xaggooda ka timi oo ay na soo booqdaan Guddiga Joogtada ah ee Guurtida oo ay xarunta bartaan, waxa ay qabato ogaadaan oo waxa ay damacsan tahay ogaadaan. Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaanu isku helno wakhti aanu isku xog-waraysano oo su’aalo nala weydiiyey.

Maalintii kowaad iyagaa yimi, laakiin waxaanu ku marti-qaadaynaa inay noo joogteeyaan oo ay barnaamijyada xarunta ka soo qayb-qalaan.”

Guddoomiye Jaamac Muuse Jaamac oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Xarunta Dhaqanka Hargeysa waa meel qof kasta u furan oo uu soo geli karo. Sidaas darteed, sharaf ka weyn iyo farxad ka weyni ma jirto inuu yimaaddo Golaheenii dalka u sarreeyey. Waxaanu rejaynaynaa in bilowgaasi noqdo mid lagu wada-tashado oo wax lagu wada-dhisto oo meel loo wada-socdo,” sidaas ayuu yidhi Jaamac Muuse Jaamac.

Xildhibaan Dayib Xasan Maxamed oo ka mid ah Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa faahaahin ka bixiyey ujeeddada booqashada ay ku tageen Xarunta Dhaqanka Hargeysa iyo kulanka dhexmaray maamulka sare ee Xarunta.

blank“Haddaanu nahay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida oo qabata wixii goluhu ku shaqayn lahaa iyo Shaqadii looga baahnaa marka uu Maqan yahay. Sidaa awgeed, waxaanu maanta soo booqannay Xarunta Dhaqanka Hargeysa oo baryahanba hawshoodu aad iyo aad ugu badnayd Somaliland. Waanu waraysannay, Gudo iyo Dibadba waanu galnay, wixii aanu halkaas ku aragnay ee aanu kala kulannay, waxaanu u geyn doonnaa Golaha, si wanaagsanna way noogu dhacday. Waxaanu aad ugu mahad-celinaynaa Guddoomiye Jaamac iyo guddigii la socotay oo sharaf leh noo qaabilay,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Dayib Xasan Maxamed.

blankXildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Marka meel wax laga sheego, waxa loo baahan yahay in gunta la soo taabto oo wixii aad aragto aad sheegto, markaa si toos ah ayaanu u soo aragnay wixii meesha ka socday iyo wixii ay qabanaysay, golahayagana waanu kula noqon,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo la aasaasay sannadkii 2008-dii isla markaana dhawaan qabatay bandhiggii 14aad ee Buugaagta Hargeysa, ayaa noqotay Xarunta ugu weyn Gobolka oo shaqadeedu tahay Seeska Suugaanta, Hiddaha iyo Dhaqanka, Xoojinta fanka iyo farshaxanka, horumarinta iyo Dhirri-gelinta Qorista iyo Akhrista gaar ahaan kobcinta qoraalka Afka Soomaaliga.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories