HomeGuddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Oo Hoggaan Cusub Doortay

Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Oo Hoggaan Cusub Doortay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda ee Somaliland, ayaa maanta doortay hoggaanka sare ee guddigaas, kaddib markii maanta la dhaariyey saddex xubnood oo toddobaadkan ay ansixiyeen Golaha Wakiillada Somaliland.

Guddiga oo maanta yeeshay fadhigoodii u horreeyey, waxa ay iska dhex-doorteen guddoomiyaha, guddoomiye ku-xigeenka, Xoghayaha iyo Afhayeenka Guddiga oo ay isla maantaba ansixiyeen.

Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda ayaa loo doortay Siciid Maxamed Cilmi Siraadle, guddoomiye ku-xigeenka guddigana waxa loo doortay Maxamuud Ismaaciil Xasan Bade, Xoghayaha Guddiga loo doortay Aadan Geeddi Qayaad halka Afhayeenka Guddiga loo doortay Mukhtaar Cabdi Jaamac.

Toddobada xubnood ee Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda, ayaa si rasmi ah maanta u dhammeystirmay, kaddib markii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Arbacada maanta uu madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey saddex xubnood oo ka hadhsanaa toddobada xubnood ee Guddiga diiwaangelinta ururrada iyo ansixinta Axsaabta Siyaasadda, kuwaas oo Isniintii toddobaadkan helay kalsoonida xildhibaannada golaha Wakiillada oo hore u diiday inay ansixiyaan saddexdan, kaddib markii dabayaaqadii bishii hore Golaha Wakiillada la horgeeyey toddobada xubnood. Haseyeeshee, Afar xubnood oo ka mid ah ayaa xilligaas ku guulaystay kalsoonida codadka mudaneyaasha Golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta Madaxweynaha Qaranka hortiisa ku dhaariyey saddexda xubnood, waxaanu Guddoomiyuhu xubnaha mid mid gacanta ugu saaray kitaabka Qur’aanka kariimka ah, isla markaana ku dhaariyey inay si caddaalad iyo dhexdhexaad ah howsha Qaran ee loo igmaday u gudan doonaan.

Saddexda xubnood ee maanta la dhaariyey, ayaa kala ah Siciid Maxamed Cilmi, Mukhtaar Cabdi Jaamac iyo Maxamuud Axmed Obsiiye, waxa hadallo dar-daaran ah u jeediyey madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Eebbe uga baryey inuu hawshooda u fududeeyo, waxana uu kula dardaarmay inay degdeg ugudo galaan shaqada ballaadhan ee sugaysa.

blankKulankan dhaarinta ah oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada, waxa goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Wasaaradaha Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Maxamed Xaaji Aadam Cilmi iyo Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

Magacyada Toddobada xubnood ee Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda, ayaa kala ah Siciid Maxamed Cilmi, Maxamuud Xasan Bade, Aadan Geedi Qayaad, Cabdalle Ibraahim Maxamed, Maxamuud Axmed Obsiiye, Muxiyaddiin Yuusuf Ibraahim, Mukhtaar Cabdi Jaamac.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories