HomeGuddiga Diiwaangelinta oo Muddeeyey wakhtiga La kala reebayo Urur-siyaasadeedyada Cusub

Guddiga Diiwaangelinta oo Muddeeyey wakhtiga La kala reebayo Urur-siyaasadeedyada Cusub

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 07 March, 2012 (SLpost)- Gudidda Diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda iyo Ansixintoofs ayaa shaaca ka qaaday wakhtiga la soo gabo-gabaynayo marxaladda diyaar garowga ururrada siyaasadda, waxaanay sheegeen inuu soo xidhmi doono hawl-galka hubinta ururaddu dhammaadka bishan March.

Waxay Guddigu sidaas ku sheegeen shir jaraa’id oo ku qabtay Xafiiskoof magaalada Hargeysa, halkaas uu Afhayeenka guddigu, Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin), ka akhriyey  war-saxaafadeed u dhignaa sidan:-

“1- Waxa laga rabaa urur kastaa in ay lixda gobol ugu diiwaan gashan tahay ugu yaraan 1000 oo haysta kaadhka codbixinta.
Hadaba waxa lagu xaqiijinayaa kunka qof.
A) Waa in laga diiwaan geliyo kunka qof iyo kaadhadhkooda xarumaha goboladda, gudidana lagu soo wareejiyo.
B) Waa in xafiiska guud ee goboladda ee ururada lagu diyaariyo ugu yaraan kun qof oo madax ka kow loo tirinayo gobol walba maalinta guddida u cayinto.

C) Gobolka Sool oo duruufo gaari ka jiraan guddidu iyadoo ka duulaysa Qodobka 26-aad Iyo xeerka nidaamka ururadda iyo axsaabta siyaasadda, waxa laga rabaa ururadda inay ka diyaariyaan magaalo madaxda gobolka Sool liiska kun qof ugu yaraan iyo inay magaaladda caynaba ku diyaariyaan xafiiskooda 20% tiradii kunka ahayd ee laga rabay.
D) Gudidu waxa ay bilaabaysaa hawsha kunka lagu xaqiijinayo 18/03/2012 sagaalka subaxnimo iyadoo uu hawlgalkaasi soo xidhmayo 30/3/2012, wuxuuna ka bilaabmayaa magaaladda Boorama.
2- Waxaa kaloo laga rabaa ururadda iyo xisbiyadda inay qabsadaan shirweynahoodii.
Waxay shirweynaha ku samaysanayaan
A) Waa inay ku samaystaan golahoodii dhexe, guddida fulinta, hogaanka ururka iyo qaab dhismeedka ururka.
B) Xeerka ururka iyo barnaamijka siyaasiga ah
C) Shirweyanaha waxa guddidu loo soo gudbinayaa nuqul maqal iyo muuqaal ah oo ay ku dhan yihiin waxyaabihii ugu waaweynaa ee shir weynaha lagu qabtay.
D) Shirweynaha waa inay goob joog ka ahaadaan ugu yaraan xubin guddida diiwaangelinta ka mid ahi.
E) Mudada qabashadda shirweynuhu waxa ay ka ka soo bilaabmaysay 15/04/2012, waxa ay ku eeg tahay ugu dambayn 15/04/2012.
3- Gudidu waxa ay ku dhawaaqaysaa natiijadda kala reebida ururadda 20/4/2012 iyada inta ka gudubtaa ka qayb gali doonaan doorashadda dawladdaha hoose.
4- Waxaanu ururadda u soo jeedinaynaa in ay isku biiraan si ay tayadoodu sare ugu kacdo.
5- Waxaanu ururadda iyo xisbiyadda u soo jeedinaynaa kuna adkaynaynaa in ay ilaaliyaan xeerarka dalka, nabadgalyadda iyo dhaqanka wanaagsan.”

Shirkaasi jaraa’id waxa goob joog ka ahaa xubno ka mid ah Gudida doorashooyinka qaranka iyo ururadda siyaasadda ee diiwaan-shan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories