HomeGuddida Diiwaangelinta oo kala reebay Ururrada Siyaasadda iyo Lix Urur oo soo...

Guddida Diiwaangelinta oo kala reebay Ururrada Siyaasadda iyo Lix Urur oo soo baxay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Gudidda diiwaan gelinta ururadda siyaasadda iyo  ansixinta axsaabta qaranka  ayaa maanta shaaca ka qaaday lixda urur siyaasadeed ee  ka soo gudbay kala shaandheyntii ururadda siyaasadda ee ka qeyb gali doona doorashadda Goleyaasha deegaanka.

Gudida diiwaan gelintu waxay  sidaasi ku sheegeen shir jaraa’id  oo ay ku qabteen xaruntooda magaaladda Hageysa. Waxaanay  daboolka ka qaadeen inay doorashada Goleyaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka dhacdo ay ka qeyb gali doonaan sadexdii xisbi qaran ee hore iyo lix urur siyaasadeed oo  buuxiyay shuruudihii xeerarka doorashooyinku jidaynayeen.

blankGudidu waxay sheegeen in lixda urur siyaasadeed ee soo baxay ay kala yihiin WADANI, DALSAN,RAYS, UMMADDA, NASIYE  iyo XAQSOOR.

Waxa kale oo ay Gudidu sheegeen inay dhaceen  oo ay shuruudihii buuxin waayeen sagaal urur siyaasadeed oo kala ah  NUUR,DAMAL,HORYAAL,NDP,BADBAADO, GURMAD, UDHIS, JAMHUURIGA iyo SSCD.

Guddoomiyaha Gudida diiwaan gelinta  ururadda siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka Md. C/Risaaq Cumar Jaamac (Ciyaale) oo ka hadlay shirkii jaraa’id ee ay ku shaaciyeen liiska ururadda soo baxay iyo kuwa hadhay  ayaa sheegay inay maanta u tahay dalka maalin taariikhi ah waxaanu bogaadiyay ururadda soo baxay.

Waxa kale oo uu ururadda siyaasadda ee hadhay u soo jeediyay inay  ku biiraan xisbiyadda iyo  lixda urur siyaasadeed ee soo baxay.

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay  Afhayeenka Gudida diiwaan gelinta Md. Xasan Axmed Ducaale, waxaanu sheegay inay gudidu ka baaraan degtay go’aankan iyo natiijadda ay soo saareen isla markaana ay ururadda ku qiimeeyeen sidii ay uga soo baxeen shuruudihii laga doonayay.

Waxa shirkan jaraa’id goob joog ka ahaa  todobada xubnood ee Gudidda doorashooyinka Somaliland, kuwaasi oo isla maantaba loo gudbiyay liiska lixda urur iyo sadexda xisbi qaran ee ku tartami doona doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee dhawaan lagu wado inay ka qabsoonto dalka.

ammaanka xarunta Gudida diiwaan gelinta ayaa saaka aad loo adkeeyay waxaana la geeyay Boolis aad u badan oo sugayay nabadgelyadda xarunta.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories