HomeGuddiga Difaacista Suxufiyiinta Caalamka oo Ka Hadashay Xayiraadda HCTV iyo Xadhigga Wariye...

Guddiga Difaacista Suxufiyiinta Caalamka oo Ka Hadashay Xayiraadda HCTV iyo Xadhigga Wariye Codey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Difaaca Suxufiiyinta Adduunka ee Committee to Protect Journalists ama CPJ ayaa ka hadlay Tallaabada Xukuumadda Somaliland ku xayirtay Telefiishanka HCTV iyo Xadhigga Tifaftirihii Tv-ga Cabdiqaadir Saleebaan Casayr (Coday).

blankGuddiga CJP ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqday inay Telefiishanka HCTV u ogolaadaan inuu si xor ah u shaqeeyo isla-markaana ay si bilaa Shuruud ah u siidaayaan Tifaftirihiisa Mr. Cabdiqaadir Coday.

Booliska Caasimadda Hargeysa, ayaa subaxnimadii Shalay Cabdiqaadir Coday ku xidhay xarunta guud ee Ciidamada Dambi baadhista ee Magaalada Hargeysa, kaddib 7 maalmood oo Rumaan ah oo Maxkamadi ku ridday, iyadoo markii hore ee aan Maxkamadda la horgeyna lagu xidhay isla goobtan Suxufiga lagu tusay Warqadda sheegaysa eedda loo haysto iyo Xayiraadda Telefiishanka HCTV, sida uu CPJ u sheegay Cabdikariin Siciid Salaax oo bahda HCTV ka mid ah.

Cabdikariin waxa kale oo uu CPJ u sheegay inaan HCTV la siinin Nuqul ka mid ah Warqadda eedda, sidoo kalena aanay jirin Waaran Maxkamadeed oo Boolisku u soo qaatay Xadhigga Tifaftiraha Telefiishanka HCTV.

CPJ oo soo xiganaysa Cabdikariin Siciid Saalax ayaa sheegtay in Maxkamaddu diidday Xayiraadda HCTV, laakiin Go’aanka Maxkamaddu ku diiday Xayiraadda Xukuumadda ee HCTV ay Rafcaan ka qaadatay Xukuumaddu.

“Adeegsiga xadhig aan sabab lahayn iyo amarro xidhitaan si loo aamusiyo Saxaafadda, sidaasi uma adeegayso dadka reer Somaliland..” ayuu Wakiilka CPJ ee Dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya Muthoki Mumo, waxaanu intaa ku daray “Waxaan ugu baaqeynaa masuuliyiinta (Somaliland) inay si dhakhso ah u siidaayaan Cabdiqaadir Saleeban iyo inay u oggolaadaan Horn Cable TV inuu shaqeeyo iyadoon wax faragelin ah lagu sameynin..”

Qoraalka CJP ka soo saartay Xayiraadda HCTV iyo Xadhigga Cabdiqaadir Coday ayaa intaa ku daray in Boolisku ay Maxkamadda horteeda ka sheegeen in eedda loo haysto Tifaftiraha HCTV tahay War la xidhiidha Diyaarad ka cabatay amniga Garoonka diyaaradaha Hargeysa iyo Waraysi uu Telefiishanku la yeeshay Suldaan Waber oo hoggaamiya Jabhad.

Ugu dambayn, CPJ waxay sheegtay in xidhiidh dhinaca Telefoonka iyo Emailka ah oo ay la samaysay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Muuse Diiriye iyo Xeer Ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Axmed Aadan, si ay arrintan wax uga waydiiyaan aanay uga jawaabin Telefoonnada iyo Emaillada Hay’addu u dirtay midna.

 

Xigasho: HCTV

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories