HomeGuddiga Dhismaha DAWGA-CAD oo soo bandhigay Horumarin Lagu Sameeyay Jidkaas, bulshadana baaq...

Guddiga Dhismaha DAWGA-CAD oo soo bandhigay Horumarin Lagu Sameeyay Jidkaas, bulshadana baaq u jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Dhismaha Waddada DAWGA-CAD ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, ayaa si wanaagsan u socda, sida ay saxaafadda u soo bandhigeen guddida dhismaha Jidkaasi oo dorraad booqasho ku tagey halkaasi isla-markaana soo kormeeray sida hawshu u socoto.

DAWGA-CAD 1Guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD oo ay kormeerkooda ku wehelinayeen qaar ka mid ah qurba-joogta reer Somaliland ee gacanta ka geysta hawsha culus ee jidkaasi ka socota, ayaa waxay soo bandhigeen hawsha laga qabtey jidkaasi saddexdii bilood ee u dambeeyay, taasi oo ah ballaadhin lagu sameeyay gooladaha jidkaasi oo hore baabuurta waaweyn dhib ku ahayd inay isku waydaartaan, haseyeeshee imika aad loo ballaadhiyey iyo weliba biyo shub loo sameeyay hareeraha waddadaasi, si biyaha ka soo dhaca buuruhu aanay u waxyeelayn jidkaasi oo Laami ah.

Eng. Axmed Warsame Siciid, oo ka mid ah Guddida dhismaha DAWGA-CAD, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey hawsha laga qabtey waddadaasi saddexdii bilood ee u dambeeyay iyo qorshaha labaad oo ah in la guda-galo dhismaha wejiga labaad ee jidka DAWGA-CAD, gaar ahaan qaybta Hargeysa Ilaa Ceel Sheekh oo dhan 105 KM isla-markaana imika ay ka socoto sahamin iyo banneyn lagu samaynayo.

“Waxaanu guddi ahaan u soo baxnay oo aanu u nimi Jidka DAWGA-CAD, waa inaanu shacabka reer Somaliland ee horumarka jecel aanu tusno wixii aanu qabaney saddexdii bilood ee u dambeeyay,” Sidaa waxa yidhi Eng. Axmed Warsame Siciid, waxaanu intaasi ku daray oo yidhi, “Saddexdii bilood ee u dambeeyay waxaanu ballaadhin ku samaynay waddadii DAWGA-CAD ee aanu hore u samaynay, gaar ahaan gooladaha oo baabuurta waaweyn dhib ku ahaa, waanu ballaadhinay, ballaca Waddadu markii hore wuxuu 6 Mitir, laakiin imika waxaanu ka dhignay 15 Mitir.”

“Waxaanu Jafnay buuraha (Waddada ku teedsan, Si Jidku ballaadho) biyaha ka soo dhacayana waxaanu u samaynay biyo shub (Drainage),” ayuu yidhi Eng. Axmed Warsame Siciid.

Sidoo kale, xubno ka mid ah Qurba-joogta reer Somaliland ee guddida DAWGA-CAD ku wehelinayey kormeerkooda, ayaa iyaguna bulshada baaq u diray, iyaga oo ka codsaday dhismaha guud ahaan waddooyinka Somaliland, si waddanku ula tartamo caalamka. Xubnahan ayaa si gaar ah ugu baaqey qurba joogta reer Somaliland inay ka qayb-qaataan dhismaha jidka DAWGA-CAD, kaasi oo ay sheegeen inuu muhiim u yahay dalka, siiba isku socodka labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti.

Qurba-joogta halkaasi tagey ayaa sidoo kale amaaney miisaanka hawsha laga qabtey jidka DAWGA-CAD oo hore u ahaa jid ku yaalla dhul buuraley ah, isla-markaana galaaftey nolosha dad badan oo ku safrey, haseyeeshee imika loo beddelay waddo Laami ah oo si xirfad leh loo hirgeliyey, ilaa haddana hawsheedu socoto, una baahan in cid kastaa gacan ka geysato.

Gabogabadii waxa halkaasi ka hadlay Suldaan Maxamed Siciid oo ka mid ah Guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD, kaas oo uga mahad-celiyey Mulkiilaha shirkadda Waddaniga ah ee SOMCABLE, Maxamed Aw Siciid oo uu sheegay inuu door weyn ka qaatey dhismaha jidka DAWGA-CAD, waxaanu baaq u diray shacabka reer Somaliland. “Walaalayaal, dadkiina markii horeba Waddada ku soo tabcay, Waddadu maaha wax is-taageysa, way soconaysaa ilaa inta Jabuuti laga gaadhayo,” ayuu yidhi Suldaanku, waxaanu intaasi ku daray hadalkiisa oo yidhi, “Waxaanu doonaynaa inaynu wadno, markaa ha is-dhiganina, waddadiina idinka ayay idin sugaysaa.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories