HomeGuddiga Cusub ee Doorashooyinka Somaliland oo la dhaariyey iyo Dar-daarankii Madaxweynaha

Guddiga Cusub ee Doorashooyinka Somaliland oo la dhaariyey iyo Dar-daarankii Madaxweynaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey xubnaha cusub ee Komishanka doorashooyinka Qaran ee dhawaan la dhisay.

blankXubnahan cusub ee Komishanka doorashooyinka qaranka oo dhawaan uun uu ansixiyey golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa la mariyey dhaarta Dastuuriga ah,  si  ay u gudo galaan gudashada shaqooyinka loo igmaday ee bulshadu ka sugayso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kaddib xubnaha komishanka cusub dardaaran adag u jeediyey, waxaana uu ku  adkeeyey inay dhawraan caddaaladda iyo sinnaanta, islamarkaana garsoorkooda bud-dhig uga dhigaan Kitaabka Eebbe ee ay ku dhaarteen maanta.

Dhaarinta xubnaha Guddiga Doorashooyinka, ayaa ku soo beegmaysa wakhti khilaaf ka taagan yahay sharcinimada xubno ka mid ah Guddiga oo Axaabta mucaaradku ka soo horjeedsadeen kaddib markii ay ku eedeeyeen ka tirsan yihiin xisbiga talada dalka haya, sidaa awgeedna aanay dhex u noqon karin tartanka xisbiyada siyaasadda.

Guddiga Doorashooyinka ayaa ka kooban Todoba xubnood oo saddex ka mid madaxweynuhu soo magacaabay, halka Xisbiyada mucaaradkuna laba xubnood soo magacaabeen, Golaha Guurtiduna laba xubnood.

Haseyeeshee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa khilaafkaas awgeed dib ula noqday xubintii uu soo magacaabay oo maanta ka maqnaa munaasibadda lagu dhaariyey, iyadoo goobta ay ku sugnaayeen Lix Xubnood oo kaliya.

blank blank blank blank blank

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories