HomeGuddiga Cusub ee Doorashooyinka oo Hoggaanka Cusub Doortay iyo Wejiga Madal Mucaaradka...

Guddiga Cusub ee Doorashooyinka oo Hoggaanka Cusub Doortay iyo Wejiga Madal Mucaaradka iyo Muxaafadba loo dhammaa oo xilka ay kula wareegeen

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

komishan (2)Hargeysa (SLpost)- Xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa maanta xilka kala wareegay Guddigii hore ee shaqadu ka dhammaatay, isla markaana waxay doorteen labada xubnood ee kala noqonaya Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka iyo Afhayeenka Guddiga.

Hase-yeeshee, Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI oo Xafladda goob-joog ka ahaa, ayaa ku gacan-saydhay, go’aansadayna inay dibedda uga baxaan Munaasibadda markii Afhayeenka Guddiga oo loo doortay Siciid Cali Muuse ku dhawaaqay Magacyada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka oo ka tirsan xubnaha ay soo kala xuleen Golaha Guurtida iyo Madaxweynuhu.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Musharraxa jagada Madaxweyne Ku-xigeenka UCID, Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde iyo xubno kale oo labadaas Xisbi ka kala socday, ayaa markii lagu dhawaaqay labada Magac ee Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga doorashada, iyagu istaagay, isla markaana isku qaaday Al-baabka laga baxo ee Hoolka Shirarka xarunta Guddiga doorashooyinka ee magaalada Hargeysa oo Xafladda xil-wareejinta iyo shaacinta is-doorashada xubnaha xilka la wareegay ka socotay.

Masuuliyiintan Xisbiyada Mucaaradka ah, ayaa waxay ku tilmaameen inay xubnihii dawladdu soo magacawday oo keliyi isku koobeen xilalka Guddiga doorashooyinka, sidaa awgeedna ay qaaddeceen oo aanay u arkayn caddaalad iyo inay Xisbiyada u garsoori karraan.

Inkasta oo ay Masuuliyiinta Mucaaradku bixitaanka holladeen, haddana kumay guulaysan, ka dib markii Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE iyo Xubno kale, ayaa ku guntaday oo diiday inay dibedda u baxaan Faysal Cali Waraabe iyo Xubnaha kale ee labada Xisbi.

komishan (1)Hase-yeeshee, waxay Munaasibaddu ka baydhay hab-sami-u-socodkii ay hawshu u socotay, isla markaana waxa dibedda u baxay toddoba xubnood ee Guddiga cusub ee doorashooyinka Qaranka, waxa sidoo kale, iyaguna Hoolka Shirarka iskula hadhay Masuuliyiinta ka socday labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI, UCID iyo Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo ay weheliyeen Xubno ka socday Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta iyo Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland.

Saacado la isku maqnaa ka dib waxa dibedda u soo baxay Xubnaha Guddiga doorashooyinka oo ay Warbaahintu isku dayday inay wax ka weydiiso waxa wax lagu dhammeeyey, waxaanay ka gaabsadeen inay Saxaafadda, balse Masuuliyiinta saddexda Xisbi, ayaa la hadlay Warbaahinta la hadlay.

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraaabe iyo Xoghayaha guud ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo labadaas Xisbi Mucaarad u hadlay, ayaa sheegay in ay Xubnaha Guddiga u rejaynayaan dhex-dhexaadnimo iyo caddaalad inay ku shaqeeyaan, balse ay habka hoggaanka loo doortay saluugeen oo aanay labadooda xubnood midna ka muuqan, isla markaana waxay sheegeen inay qoraal saluuggooda xambaarsan u gudbin doonaan Xubnaha Guddiga ee ay is-doorashadooda saluugga ka muujiyeen.

HALKAN KA DAAWO MUNAASIBADDA XIL-WAREEJINTA

@Aftahan News

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories