HomeGuddiga Cadaalladda oo Go'aan ka soo saartay Lacago Sharci-darro oo Dadka lagaga...

Guddiga Cadaalladda oo Go’aan ka soo saartay Lacago Sharci-darro oo Dadka lagaga qaado Maxkamadaha

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargaysa (SLpost)- Lacago sharci-darro ah oo Maxkamadaha lagaga qaadi-jiray gal-dacwadeedyada Madaniga ah, ayaa gebi ahaantooda laga mabnuucay in lagu qaadi xafiiska adeegyada sharci fuliya ee waaxda Garsoorka dalka, sida uu go’aameyey wareegto uu arrintan ka soo saaray guddoomiyaha Guddiga Garsoorka ahna guddoomiyaha Maxkamadda Sare Somaliland Dr Yuusuf Ismaaciil Cali.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodijeex Cabdirashiid Maxamed Durraan oo shaaciyey go’aanka ka soo baxay guddoomiyaha guddiga Cadaaladda, waxa uu tallaabadan ku sifeeyey mid lagu fulinayo ballaan-qaadka barnaamijka dib-u-eegista iyo tayaynta cadaaladda, taa beddelkeedana lagu kaabi doono barnaamij ay maaml-gelintiisa bixinayso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Horumarinta ee UNDP, kaas oo noqonaya barnaamij loogu magac-daray Xalinta Kiisaska (Case Management) oo laga hirgelinayo Maxkamadaha gobolka.

cadaaladdaGuddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodijeex oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, waxa uu tafaasiil ka bixiyey hirgelinta qorshahan iyo qaabka loo fulinayo, waxaanu yidhi, “Annaga oo ka duulayo barnaamijkii madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku balan qaaday in uu dib-u-habayn ku samaynayo xagga cadaaladda iyo gar-soorka, waxa immika in muddo ah la waday sidii looga midho dhalin lahaa hawshaasi oo wakhti dheer soo socotay, tababaro badan oo loo qabtay, anaga oo meelo badan taageero iyo gacan ka helayna. Waxa koow ka ah oo aanu maanta doonaynaa in aanu halkan ka sheegno, Barnaamij la yidhaahdo maamulka xalinta kiisaska (Case Management) in laga fuliyo maxkamadaha gobolka Maroodi-jeex ee aan anigu masuulka ka ahay.”

“Markii la doonayey in mashruuca xalinta kiisaska   laga hirgeliyo maxkamadaha gobolka Maroodi jeex waxa ka hor yimid caqabado badan, wax kasta oo la is-yidhaahdo wanaajiya iyo wanaag kasta oo lagu talaabsanayo dhibaatooyin ayaa ka hor imanaya. Waxa ka mid ah waxyaabaha ka hor yimid Lacago dadka laga qaadi jiray, oo aan sharciga waafaqsanayn, haddii shacuur tahay iyo gaadhsiiyeyaashu lacag ay qaataan iyo haddii ay tahay   lacagta garaaca Araajida, taas oo ka dib ay dadwaynuhu cabashooyin fara badan had iyo jeer ta ay ka soo gudbiyaan ay tahay oo ay yidhaahdaan Lacagayow baa maxkamaddii nalagaga qaaday. Hadaba guddoomiyaha maxkamadda sare mudane Yuusuf Ismaaciil Cali, waxa uu arrintaasi ka soo saaray wareegto ku saabsan in marka maanta laga bilaabo la joojiyey lacagtii laga qaadi jiray khidmadda nuquladda xukunadda madaniga ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanta gobolka Maroodijeex.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Qofka wixii la doono la waydiinayaa ma jiro, fayl la gudbinayo oo lacag laga qaadayaa ma jiri doono, fayl la tirakoobayo oo lacag laga qaadi doonaa ma jiri doono. Waxa halkan (Maxkamadda) iman kara ciddii dacwad leh oo kaliya in ay timaado maalintii dacwadooda loo mudeeyay in cidaasi oo kaliya timaado maxkamada, taasina waa arin aad u mihiim ah, isla markaana Ha la joojiyo dhammaan wixii khidmadihii dheeraadka ahaa ee aan xeerka wafaqsanayn ee dadka laga qaadi jiray.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories