HomeGuddidii Qaban-qaabada Aaskii Marxuum Gaarriye oo u Mahad celiyay Shacbiga Somaliland

Guddidii Qaban-qaabada Aaskii Marxuum Gaarriye oo u Mahad celiyay Shacbiga Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Abiib Diiriye (Nuur) ahna Gudoomiyihii Gudida qaban qaabadda aaskii qaran ee loo sameeyay Marxuum- Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), ayaa caawa u mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland, xukuumadda,Goleyaasha qaranka, axsaabta, ururada siyaasada, ardayda jaamacadaha iyo dhammaan kumanaankii qof ee maanta ka qeyb galay aaskii Marxuumka oo maanta si heer qaran ah loogu aasay Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland ahna Guddoomiyihii Gudidii qaban-qaabada aaska Marmuum- Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, waxa uu sidaasi ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray oo u dhignaa sidan:-

blank“Anigoo ku hadlaya magaca Gudidii qaban-qaabada aaskii qaran ee maanta xabaalaha Xeedho ee magaalada Hargeysa loogu sameeyay Abwaankii weynaa ee Marxuum- Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), waxa aanu u mahad celinayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aan illaa maalintii uu Marxuumku ku geeriyooday isniintii todobaadkii hore magaalada Oslo ee dalka Norway qeyb libaax ka qaatay sidii halyaygaas qaran ee Somaliland ka baxay si heer qaran ah loogu aasi lahaa dalkiisa hooyo.

Waxa kale oo aan si weyn ugu mahad naqaynaa Madaxweynaha Somaliland, xukuumadda,Goleyaasha qaranka, axsaabta, ururada siyaasada, ardayda jaamacadaha iyo dhammaan kumanaankii qof ee maanta ka qeyb galay aaskii marxuumka.

Sidoo kale, waxaanu u mahad celinaynaa jaaliyada Somaliland ee Magaalada Oslo ee Marxuum- Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) mudadii uu xanuunsanayay ku hayay cisbitaalka isla markaana soo taban-taabiyay sidii marxuumka maydkiisa loogu soo duulin lahaa dalka. Waxaanan Guddi ahaan leenahay ILAAHAY khayr ha idinkaga abaal-mariyo.

Marxuum- Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) waxa uu ahaa halyay iyo geesi qaran ee kaalin shariif ah ka soo qaatay halgamadii kala duwanaa ee dalku soo maray, nabadeyntii beelaha iyo dib u dhiskii qaranka oo uu mar walba kaalin mugleh ka soo qaatay.

Waxaan Marxuumka ILAAHAY uga baryaynaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii, shacbiga iyo qaranka Somaliland-na samir iyo Iimaan ka siiyo. AAMIIN AAMIIN.”

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories