HomeGuddi Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Gurmadka Abaaraha Oo Qaylo-dhaan u diray Muwadiniinta...

Guddi Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Gurmadka Abaaraha Oo Qaylo-dhaan u diray Muwadiniinta iyo Beesha Caalamka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, (SLpost)- Gudidii uu madaxweynuhu u magacaabay abaaraha dalka ka jira ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo hay’adaha  caalamiga in laga wada qayb qaato taakulaynta dadka ay abaaruhu saameeyeen

Gudidan oo ka kooban lix wasaaradood oo ay ka mid yihiin wasaaradaha beeraha, deegaanka, xanaanada xoolaha, caafimaadka, arimaha gudaha iyo qorshaynta ayaa waxa gudoomiye u ah madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland mud, c/raxmaan c/laahi ismaaciil saylici.

Gudidan oo shir jaraa’id ku qabtay qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa ka waramay saamaynta ay abaaruhu ku yeesheen qaar kamida gobolada dalka.

_DSC0008Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland sacad cali shire  oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay dalka sanadkan ka dhacday abaar aad u darani.

Taas oo si wayn u saamaysay nolosha dadka  wasiir sacad cali shire ayaa ka dhawaajiyey in wadanka oo dhan ay abaari ka jirto balse  ay ugu daran yihiin gobolada galbeedka Somaliland.

Gaara ahaan gobolada Salal, Awdal, gabiley iyo Maroodi-jeex taas oo saamaysay dad iyo xoolaba wasiirka ayaa ugu baaqay in cidkasta oo waxtari karta dadkaasi ay abaartu hayso ay wax soo taraan

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland mudane, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil saylici oo ah gudoomiyaha gudidan loo xilsaaray abaaraha dalka ka dhacay ayaa isna sheegay in sanadkan abaarta inagu dhacday aanay hore inoo soo marin marka la eego abaarihii hore ee la arki jiray mudane, Saylici ayaa intaa ku daray in ay  si wayn u taabatay nolosha dadka iyo xoolahaba

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ka waramay sida ay dawladu dhinaceeda uga jawaabtay abaarahaasi isagoo xusay in ay gobolada ay ugu daran tahay abaartu ee galbeedka ay gaadhsiiyeen booyado biyo ah.

Waxa kale oo uu balan qaaday in dawladu markasta ay doorkeeda ka ciyaari doonto wax gaadhsiinta gobolada ay abaaruhu waxyeeleeyeen.

Ugu danbayn madaxweyne ku xigeenka JSL ayaa baaq u diray hay’adaha caalamiga, qaadhaan bixiyayaasha, wadamada Somaliland taageera iyo ganacsatada dalka gud ahaanba In ay ka qayb qaataan taakulaynta dadka ay abaaruhu saamaynta ku yeesheen.

Abaar baahsan ayaa sanadkan ka dhacday  guud ahaan wadanka gaar ahaan gobolada galbeedka Somaliland waxana taakulayntii ugu horaysay ee laga jawaabayo abaarahaasi diray xukuumada Somaliland iyada oo gobolada qaar gaadhsiisay booyado biyaha.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories