HomeGuddida Wanaag-farista oo baaqyo u jeediyey xukuumadda iyo dhinacyada Doorashada

Guddida Wanaag-farista oo baaqyo u jeediyey xukuumadda iyo dhinacyada Doorashada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Gudida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland, ayaa xukuumadda, xisbiyada iyo guddida doorashooyinka u soo jeediyey baaq ku wejehan doorashada iyo nidaamkeeda qabsoomidda.

Guddida oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xaruntooda magaalada Hargeysa, isla markaana ay goob-joog ka wada ahaayeen xubnaha joogtada ah ee gudidaas ayaa waxaa ujeedada shir jaraa’idka iyo baaqa ka soo baxaya ka soo jeediyey gudoomiyaha gudiga wanaag farista Maxamed Xaaji maxamuud waxana uu sheegay in gudida wanaagfarista iyo xumaan reebista ee Somaliland ay heer qaran iyo heer gobolba kaga hawlan yihiin kaalintooda kaga aaddan sidii ay doorashooyinka golayaasha deegaanku ugu qabsoomi lahaayeen si xaq iyo cadaalad ah ciddii ku guulaysatana lagu hambalyeynayo.

Gudoomiyuhu waxuu shacabka Somaliland u jeediey in amniga la ilaashado  wakhtigan ay socdaan ololayaasha doorashooyinka degaanka isla markaana ay dhow dahay maalintii loo dareeri lahaa codbixinta.

Shir jaraa’idkan oo ay gudidu si wada jir ah shacabka Somaliland ugu soo jeediyeen inay iska ilaaliyaan waxyaabaha aan shareecadu u ogolayn sida is dhex galka raga iyo Dumarka ayaa dhankakale waxuu gudoomiyahu ka akhriyey afar qodob oo dardaaran u ah dhinacyada ku hawlan qabsoomidda iyo ka qaybgalka doorashooyinka golayaasha deegaanka.

1. Qodobka koobaad ayaa Gudida wanaag faristu waxay u soo jeediyeen Gudida doorashooyinka qaranka inay ku taagnaadaan dariiqoodii caddaalada, dhaarkana u dhigtaan culayskaay hawshaasi leedahay.

2. Qodobka labaad ayaa gudida wanaag faristu waxay ku wargeliyeen dhinacyada tartanku ka dhexeeyo inay u hogaansanaadaan natiijada kama dambaysta ah.

3.  Dhinaca xukuumadda ayaa gudida wanaag faristu waxay u soo jeediyaan inay sii waddo culays dheeraadana saarto gudashada  waajibaadkeeda dhinaca amniga. Dadweynuhuna ay si buuxda ula shaqeeyaan ciidamada amniga.

4.  Dhaman dhincyada ay doorashadu saamaynta ku leedahay ayaa laga codsaday inay u hogaansanaadaan awaamiirta ciidamada amniga iyo baaqyada gudiyada kala duwan ee doorashada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories