HomeGuddida Tacliinta Sare oo sheegay inaan dalka laga furi karin Jaamacad aan...

Guddida Tacliinta Sare oo sheegay inaan dalka laga furi karin Jaamacad aan la Xaqiijin Tayadeeda Waxbarasho

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[H]argeysa, (SLpost)- Guddida Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa sheegay inaan dalka laga furi karin jaamacad dambe oo aan jaamacad aan ka diiwaan gashanayn xafiiska guddida tacliinta sare, iyaga oo sidoo kale sheegay inay daba-gal iyo qiimayn ku samayn doonaan Jaamacadaha dalka si loo hubiyo tayadooda aqooneed.

blankGuddiga Tacliinta Sare ee Somaliland waxa ay sidaas ku sheegeen shir-jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xaruntooda Magaalada Hargeysa, iyada oo tallaabadan ku micneeyey mid lagu xaqiijinayo tayada aqooneed ee jaamacadaha dalka la furayo.

Ugu horeyn waxa kulankaas ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Tacliinta Sare ee Somaliland Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo sheegay in aan dalka dib looga furi karin jaamacad aan fasax ka haysan Xafiiska Guddida Tacliinta Sare ee dalka, isaga oo intaas ku daray in go’aankani wax weyn ka tarayo mid ay guddi ahaan kula soconayaan heerarka Aqooneed ee jaamacadaha dalka laga furayo.

Waxa guddoomiyuhu ku wargeliyey cid kasta oo oo doonaysa in ay jaamacad furto ay lasoo xidhiidho xafiiska guddida si loo qiimeeyo heerka aqoonta ay doonayaan inay u gudbiyaan bulshada iyo manaahiijta ay bixinayaan, waxaanu Prof. Saleebaan sidoo kale ku tilmaamay tallaabadaas mid lagu toosinayo Tacliinta Sare ee dalka iyo Hannaanka waxbarasho ee nidaam ahaan ay jaamacaduhu bixiyaan.

Waxa sidoo kale halkaas ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka Guddida Fulinta ee Gudida Tacliinta Sare Aaden Xaaji Baxnaan oo sheegay in guddi ay ahaan ay dabagal iyo qiimayn ku samayn doonaan heerarka aqooneed ee laga bixiyo dhamaan jaamacadaha dalka, si loo hubiyo loona ogaado tayada aqooneed ee Jaamacadaha dalku ay bixiyaan , islamarkaana laysla saxo wixii loo arko in dib u sixid lagu sameeyo.

Dr. Siciid Axmed Xasan oo ugu dambayntii shir-saxaafadeedkaas ka hadlay, ayaa qorshahan ku micneeyey mid lagu horumarinayo horumarinayo Waxbarshada Sare ee dalka oo dalka Qiimo weyn ugu fadhida.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories