HomeGuddida Mihnadleyaasha Caafimaadka Oo Digniin U Diray Bahda Caafimaadka ee aan Is...

Guddida Mihnadleyaasha Caafimaadka Oo Digniin U Diray Bahda Caafimaadka ee aan Is Diiwaangelin

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargeysa(SLpost) – Guddoomiyaha guddida Mihnadlayaasha caafimaadka Somaliland, ayaa shir jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay waxa uu digniinno ugu diray cidkasta oo adeegyo caafimaad bixisa oo aan ka diwaangashanayn guddidaasi.

 

Axmed Xaashi Oday, guddoomiyaha guddidan ayaa sheegay in guddida ujeedada loo sameeyay tahay ilaalinta tayada caafimaadka, waxaanu sheegay in guddidiisu awood u leedahay faro galinta cidkasta oo qabata adeegyo caafimaad hadday tahay mid waxbarasho ama mid daaweyneed.

 

“Guddidu waxay   awood u leedahay  in uu galo goob kasta oo caafimaad si ay u hubiyaan in shaqadeeda iyo dhaqaalaheedu waafaqsan yihiin xeerka mihnadaha caafimaadka, inuu anshax mariyo hawl wadeennada iyo goobaha caafimaadka mid gaar ah iyo mid guudba ama mihnad-layaasha caafimaadku go’aan ka gaadhi karaan, guddidu waxa uu awood sharci u leeyahay ogolaansho siinta iyo ka qaadista goobaha adeegyada wax-barashada iyo barnaamijyada caafimaadka bixiya,” ayuu yidhi Mr Oday.

 

Guddoomiye Oday oo ka hadlaya dhawr qodob oo guddida u qabsoomay waxa uu yidhi “Komiishanka waxa ilaa hada u suuro gashay inuu diwaan Galiyo 2150 Qof oo shaqaale caafimaad ah oo isugu jira muwaadiniin iyo ajanabi,waxa uu komiishanku ruqsad shaqo siiyay 51 qof kuwaas oo ah kuwa kaliya ee sifo sharci ku shaqeeya,komiishanka waxa u suurto gashay inuu qiimayn ku sameeyo 5 jaamacadood oo dhiga cilmiga caafimaadka iyo 12 cusbitaal kuwaas oo ku kala yaal Gobolada Dalka”.

 

Mr Oday ayaa digniin u diray dadka aan iska diwaangalin guddidan “Somaliland waxa ku sugan Dhakhaatiir iyo shaqaale Caafimaad oo ajanabi ah kuwaas oo ka hawl gala Xarumaha Caafimaad ee Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland,kuwaas oo Tiradoodu aad u badan tahay,qaar ka mid ahi may soo gudbin Waraaqahoodii iyo shahaadooyinkii caafimaad ee ay siteen,waxaana loogu baaqayaa inay Cadayntooda Caafimaad ku soo gudbiyaan,Muddo ku siman Saddex Bilood oo ku eeg 31 December 2015-ka,cidii Soo gudbin wayda Talaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi Doonaa.”.

 

Guddidan ayaa muddooyinkii u dambeysay dardar galinaysay ilaalinta tayada Caafimaadka Somaliland, waxaanay hore u hubisay una mamnuucday xayaysiinta goobaha caafimaadka ee aan guddidani hubin, waxaanay saxaafadda ugu baaqeen inay ka taxadaraan dadka farrimaha caafimaad u gudbiyaan.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories