HomeGuddida Ka-Soo-Kabashada Abaaraha oo maanta ku kulmay Madaxtooyada iyo Warbixinno laga dhegaystay...

Guddida Ka-Soo-Kabashada Abaaraha oo maanta ku kulmay Madaxtooyada iyo Warbixinno laga dhegaystay Xubno Ka Mid ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddiga ka-soo-kabashada Abaaraha ee dhawaan madaxweynuhu magacaabay, ayaa maanta kulan ku yeeshay madaxtooyada, waxaana halkaas warbixinno lagaga dhegaystay xubno ka tirsan Guddiga oo isku soo dubba-riday tallaabooyinka ay qaadeen iyo hiigsiga ay rejaynayaan.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, kaas oo lagu faahfaahiyey nuxurka kulankaas iyo waxyaabihii lagu soo qaaday.

099A5000War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan: “Guddida ka soo kabashada abaaraha oo weli ku gudo jira dedaalkoodii qaadhaan ururinta ayaa kulan ku yeeshay maanta oo ay taariikhdu tahay 01.06.2017 madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu kulankaasi daba socday kulamadii hore ee guddidu sida joogtada ah marwalba ugu kulmi jireen qasriga madaxtooyada.

Haseyeeshee kulankani waxa uu kaga duwanaa kuwii hore, waxay guddidu xubno ka mida ka dhegeysteen warbiximo muhiima oo la xidhiidha sida ay u socoto qaadhaan ururintu dalka gudihiisa iyo dibedaba.

099A5032Waxaana halkaasi warbixin muhiima ka soo jeediyey  Xasan Axmed Yuusuf oo ah agaasimaha fulinta ee hay’adda qurbajoogga Mofa, oo isagu soo bandhigay sida ay qaadhaanka isaga ururiyeen jaaliyadaha reer Somaliland ee yurub ku dhaqan, taasi oo muujisay sida loogu tartamayo in jaaliyad walba ay kaalin muuqata ka ciyaarto qaadhaanka ka socda gudaha iyo dibeda dalka, iyadoo guddiduna uga mahadnaqday sida ay isu xilqaameen ee ay u dedaaleen in kasta oo lagu kala horeeyo ilaa hadda dhinaca tartanka qaadhaan ururinta marka laga hadlayo yurub, waxaanay u soo jeediyeen jaaliyadaha ku dhaqan yurub ee sida weyn isha loogu hayo in aanay is dhigan ee ay dedaalkooda si kordhiyaan madaama oo waddamo aan la filaynin ay hoggaanka u hayaan gaadhaan ururinta kuwii la tuhunsana ee la filayey inay iyagu hormuudka u noqdaana ay hooseeyaan.

099A5002Sidoo kale waxay guddidu fariin u dirtay cid kasta oo ku yaboohday qaadhaanka inay xil gaara iska saaran oo ay ku soo bixiyaan sida ugu haboon kuna soo hagaajiyaan Akoonadan (Accounts).

  • BAANKA DHEXE: 880
  • DAHABSHIIL: HRGD60618
  • ZAAD: 4000101
  • E-DAHAB: 9444822

Ugu danbayntiina waxay guddidu waxay dardaaran iyo fariimo u sii dhiibeen xubno ka mida guddida oo iyagu safar la xidhiidha hawsha qaadhaan ururinta ugu bixi doona beri oo jimce ah imaaraadka carabta iyo kuwait sidii ay horeba u shaaciyeen guddidu, jaaliyadaha ku dhaqan dalalkaana waxa loogu baaqayaa inay guddida la shaqeeyaan inta ay la joogaan oo ay kaalintooda ka soo qaataan qaadhaan ururinta.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeeka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories