HomeGuddida Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha ee HornWatch oo Cambaareeyey Weerarkii Foosha Xumaa ee...

Guddida Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha ee HornWatch oo Cambaareeyey Weerarkii Foosha Xumaa ee lagu Qaada Xarunta Wargeyska HUBAAL

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddida Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha Geeska, ayaa cambaareeyey weerarkii foosha xukumaa ee dabayaaqada todobaadkii hore lagula kacay Xarunta Wargeyska madaxa bannaan ee Hubaal ee magaalada Hargeysa.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexdan yahay Guddoomiyaha Guddida Xuquuqda Aadamaha Geeska Afrika (Hornwatch), ayaa u dhignaa sidan: “Guddida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika oo magaciisa loo soo gaabiyo HornWatch, waxay si cambaarayn tan ugu saraysaa dusha uga tuurayaan, weerarka lagu qaaday xarunta Wargeyska Hubaal ee magaalada Hargeisa 24 April 2013 abaaro 11:15 p.m.

Weerarkan oo ahaa mid ay fuliyeen 2 askari oo wajiyada cumaamado ku soo duubtay kuna hubaysan baskoolado iyo bakoorado, isla markii ay gudaha u galeen xafiisyada Wargeyska Hubaal, waxay bakoorada gacan kaga jabiyeen GudoomiyihaWargeyska Maxamed Axmed Jamac ‘Caloolay’, sidoo kale rasaas ay rabeen in ay ku khaarajiyaan Gudoomiyaha Hubaal ayaa cuskatay gidaarkii uu ku tiirsanaa meel taako ka saraysa madaxiisa.

Saleebaan XuquuqKa sakow dhaawaca uu kiiskani uu u gaystay Amniga Qaranka, Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay u arkaan weerarkan mid lagu soo qaaday Madaxbanaanida dalka Somaliland, isla markaasina lagu dhabar jabinayo dadaalada uu wado Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland oo safaro shaqo bilihii ugu dambeeyay isaga dab qaadayay qaaradaha dunida isagoo XAQA AAYO KA TASHIGA shacabka Somaliland meel marintiisa halgan dublamaasiyadeed ugu jira. Waa Weerar si toos ah loogu soo qaaday danaha iyo masaaliixda Somaliland.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxa warwar xoog leh ku dhaliyay weerarkan oo ay fuliyeen 2 nin oo ka tirsan hay’adaha sharci-fulinta

Dhinaca kale weerarkan ayaa lagu soo aadiyay iyadoo Madaxayanaha Somaliland Mud. Ahmed Mohamed Siilaanyo uu ku sugan yahay caasimada dalka Maraykanka ee Washington, iyadoo dalka Ingriiskuna wado abaabulka shir caalami ah oo ka qaybgalkiisa uu ku gacan saydhay Madaxwayne Siilaanyo maadaama oo uu gudoominayo Madaxwaynaha Soomaaliya. Maragfurka ugu weyn ee Madaxwayne Siilaanyo caalamka u u sheegaayo waxa ka mid ah Somaliland waa dal ku dhaqma nidaam dimuquraadi ah iyo doorashooyin xor ah waa dal leh saxaafad madaxbanaan oo xor ah taasi oo aan laga helin badi qaarada Afrika iyo dunida seddexaad.

Weerarkan ayaa noqonaya kii 2aad ee noociisa ah ee ka dhaca gudaha Somaliland tan iyo markii Madaxwaynaha Somaliland iyo wafti culus oo uu hogaaminayaan u ambabaxeen dalka Turkiga, Boqortooyada Ingriiska iyo wadanka Maraykanka, iyagoo ka qaybgalaya wadahadalo siyaasadeed oo heerarkoodu sareeyo, kuwaasi oo qayb ka ah xaqiijinta XAQA AAYO KA TASHIGA IYO MADAXBANAANIDA SOMALILAND,

Weerarka 2aad ayaa isna ahaa kii lagu khalkhal galinayo baadhtaanka iyo sahanka shidaal ee ka socda gobolada Bari ee dalka isla markaasina lagu luminayo Shirkadaha caalamiga ah ee soo saara Shidaalka oo uu Madaxwayne Siilaanyo qaar cusub heshiisyo kula saxeexday maalmo ka hor magaalo madaxda dalka Maraykanka.

Difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland waxay ugu baaqayaan Wasiirka Arimaha Gudaha Jamhuuriyada Somaliland, iyo Taliyaha Guud ee Booliska Somaliland in sida ugu dhakhsaha badan loo soo qabto ninkii  2aad ee weerarka ku weheliyay Askariga weriyayaasha Wargeyska Hubaal ay qabteen iyo sidoo kale cid kasta oo kale oo weerarkan kula jirtay farsamo ahaan iyo qorshayn labadaba, waa in cid kasta oo uu galo kiiskani shicib iyo madax darajo kasta ha lahaadaane la hor keenaa sharciga.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay dalbanayaan, si loo suurto galiyo in baadhitaan sugan lagu sameeyo kiiskan, isla markaasina loo soo celiyo Kalsoonida shacabka iyo tan Saxaafada Madaxabanaan Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay dalbanayaan in baadhitaanka kiiskan xukuumadu ka qayb galiso xubno ka mid ah Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga ee Madaxabanaan, Komishanka Xuquuqda Aadamiga Qaranka.

Suleiman Ismail Bolaleh

Gudoomiyaha

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika (HORNWATCH) 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories