HomeGuddida Ilaalinta Hantida Qaranka ee Wakiilada Oo Dawladda Hoose Ee Burco Xafiisyada...

Guddida Ilaalinta Hantida Qaranka ee Wakiilada Oo Dawladda Hoose Ee Burco Xafiisyada U Faaruqisay iyo Jawaabta Maayar Muraad Ka Bixiyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Burco(SLpost) – Guddida ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalka musuqmaasuqa u qaabilsan golaha wakiillada Somaliland ayaa shir jaraa’id oo ay  Arbacadii shalay ahayd ku qabteen xarunta dawladda hoose ee Burco waxay ku sheegeen in masuuliyiinta dawladda hoose xafiisyada u faaruqiyeen guddida oo la balansanayd.

 

Guddida ayaa socdaal ay ka bilawday magaalada Boorama waxay ku mareen Baligubadle, Oodweyne, Laascaanood, Ceerigaabo iyo Burco oo ay hadda ku sugan yihiin, waxaanay madaxda hay’addaha dawladda kala xisaabtamayaan isticmaalka lacagaha u qoondaysan iyo xogogaal u noqoshada baahiyaha bulshada.

 

Guddida ayaa sheegtay inay badhasaabka Togdheer kula balameen inay kulan la yeeshaan isuduwayaasha gobolka iyo dawladda hoose balse xafiisyada dhammaan looga yaacay “Waxaanu la kulannay mucjiso la yaab leh oo markii labaad ku dhacday guddidan, iyadoo golaha degaanku noo faaruqiyeen xafiisyadii. Maalintii hore waxaanu fadhiisanayba hoolka laakiin, maanta hoolkiina guddida waa laga sii xidhay. Waxaa ceeb ah oo fadeexad ah inaanu ognahay mashaariic fara badan inaan la hirgalin. Waxaa ceeb ah in guddida laga cararo oo orod la is dhigo marka guddidu imanayso,” ayuu yidhi xildhibaan Naasir Cali Shire oo guddida ka tirsani.

 

Guddoomiyaha Guddida Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi ayaa isna yidhi “ Had iyo jeer golaha degaanku wuxuu ururiyaa lacag. Lacagta wuxuu ka ururiyaa aabbe iyo hooyo ina wada dhalay oo suuqa jooga oo wadhato haysta oo tamaandho haysta, guryaha aynu dhisno ayaa cashuur laga qaadaa, waxa sanad kasta oo gasha 2 ama 3 Milyan oo doolar, lacagtaasna waa in lagala xisaabtamo oo la waydiiyo hooyada halkaas joogta maxaa loogu qabtaa. Halkan waxaanu ku haynaa waraaqo fara badan oo la leeyahay golaha degaanku hanti faro badan ayay cunaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha guddidu.

 

Jawaabta Dawladda hoose

Maayarka Burco mudane Maxamed Yuusuf  Muraad, ayaa sheegay inay hawlo shaqo ku maqnaayeen wakhtiga guddidu timid xafiiskooda, waxaanu sheegay inay wixii la xisaabtan ah u leeyihiin wasaaradda arrimaha gudaha iyo odhit dabagala xisaabaadkooda.

 

“ Waxaanu isku ognahay oonu ka dhuumanaa ma jirto. Wasaarad baanu leenahay oo na xukunta. Odhit baanu leenahay oo haddii wax nalagu eedaynayo nala xisaabtama laakiin, waxay ku fiicnayd inay xildhibaannadu sharaftooda iyo qiimahooda ilaaliyaan, inay si shoobarayn ah xafiisyada masuuliyiintu leedahay ay yidhaahdaan way naga dhuunteen aad baanu uga xunnahay,” ayuu yidhi Maayarku.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories