HomeGuddida Ilaalinta Anshaxa iyo Hab-dhaqanka Doorashada oo Soo Bandhigay Xad-gudubyada Sharci ee...

Guddida Ilaalinta Anshaxa iyo Hab-dhaqanka Doorashada oo Soo Bandhigay Xad-gudubyada Sharci ee Dhacay Muddadii Ololuhu Socday

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Guddida Ilaalinta Anshaxa iyo hab-dhaqanka habsami-u-socodka Doorashada, ayaa warbixin ku aaddan hawsha hawsha loogu xil-saaray inay u kuur-galaan qaabka iyo ka-qayb qaadashada ololaha dhinacyada ku tartamaya doorashada deegaanka, ku muujiyey gol-daloolooyin iyo xad-gudubyo lagu tallaabsaday muddadii ololuhu socday.

blank

Guddidan oo cuskanaya xil-gudashada waajibaadka loo igmaday, ayaa soo bandhigay dhacdooyinkii iyo xad-gudubyada sharci ee muddadaas dhacay, kuwaas oo ay ku tallaabsadeen dhinacyada ku loolamaya doorashada iyo masuuliyiinta dawladda qaarkood.

Warbixinta Guddidani soo saartay ayaa dhaliilo loogu jeediyey guddoomiyeyaasha gobollada Awdal, Sool, Sanaag, Gabiley, Oodweyne, Saaxil, Hawd iyo Saraar kuwaas oo la sheegay inay ka gudbeen xayndaabka dhex-dhexaadnimo ee qaybaha siyaasadda isla markaana ay si ula-kac ah hantida dawladda u adeegsadeen ololaha tartamayaasha doorashada ee ay taageersan yihiin.

Sidoo kale, waxa Warbixinta lagu muujiyey dhaliilo loo jeediyey Maareeyaha hay’adaha Hay’adda Waddooyinka iyo Agaasimaha Maamulka hay’adda AIDs-ka inay si qaawan uga qayb-qaateen loolanka tartanka doorashada deegaamada, waxaana loogu baaqay inay ka waantoobaan ku milmidda ololaha doorashada isla markaana ay ku ekaadaan masuuliyadaha ay Qaranka u hayaan.

Warbixinta Guddidani soo saareen oo uu ku saxeen yahay Guddoomiyaha Guddida Ilaalinta Anshaxa iyo Hab-dhaqanka Doorashada Md Axmed Maxamed Cadaad oo ka kooban saddex bog, waxa si weyn loogu ammaanay Warbaahinta dawladda, ta madaxa bannaan iyo masuuliyiin dawladda ka tirsan oo dhex-dhexaadnimo u muujiyey qaybaha ku loollamaya tartanka doorashada.

“Qodobbada lagu soo qaatay gol-daloolooyinka ololaha Doorashada ee warbixinta ku jiray, ayaa u dhignaa:

  1. Waxa warbaahinta laga wada daawaday guddoomiyeyaasha gobollada Salal, Awdal, Gabiley, Hawd, Oodweyne, Saraar, Sool iyo Sanaag oo si qaawan uga dhex muuqda Ololaha doorashada; iyagoo ka hadlaya fagaarayaasha isla markaana hantidii iyo gaadiidkii umadda ka dhaxaysay u adeegsanaya ololaha.
  2. Waxa saxaafadda lagu soo daabacay hadallo uu ku tiraabay guddoomiyaha Gobolka Saaxil oo uu ku sheegayu inaanu cidna uga gabbaneyn u ololaynta xisbigiisa. Taac oo macnaheedu noqonayo inaanu u hoggaan-samayn sharci dalka u dejisan ee ay ahayd inuu isagu noqon kan ugu horreeya ee ilaaliya.
  3. Iyadoo aan sharcigu diidayn in Guddoomiyaha degmada (Maayar) ee sharraxani shakhsi aan uga qayb-qaato ololaha doorashada, haddana waxa marag-ma-doon ah in Maayarrada degmooyinka Saylac, Boorama, Balligubadle, Sallaxley, Caynabo iyo Ceerigaabo ay gaadiidkii umadda ee ay wateen u isticmaaleen ololeynta Xisbi/Urur.
  4. Waxa warbaahintu soo tabisay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo si badheedh ah ugu milmay, una ban-baxay ololaha doorashada, kuwaas oo ay ka mid yihiin Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka iyo Agaasimaha Maamulka Hay’adda La-dagaallanka AIDS-ka.
  5. Waxa tiraba dhowr jeer degmooyinka qaarkood ka dhacay xayiraado iyo xadhig lagula kacay xubno murashaxiin ah, in kasta oo wada0hadal dabadeed xoriyaddooda loo celiyey.
  6. Si loo majare-habaabiyo bulshada, waxda mid ka mid ah jidadka magaalada Hargeysa lagu soo bandhigay boodh aad u weyn oo lagu soo daabacay sawirrada & lambarrada 25 murashax oo ka tartamaya degmada Hargeysa, kana kooban dhammaan Xisbiyada/Ururrada tartamaya haba ku kala badnaadeene.
  7. Waxa dhacday in murashax aan ka mid ahayn murashaxiin u tartamaya Golaha deegaanka Hargeysa uu xarun olole ka furtay caasimadda taas oo abuurtay iska horkeen taageerayaal iyo amni-darro.”

 Guddidani waxa ay uga digeen dhammaan qaybaha kala duwan ee ku lug yeeshay qodobbada kor ku xusan inay ka waantoobeen ficilladaas isla markaana aanay dib u soo noqon wareegyada kale ee ololaha doorashada, balse haddii ay u hoggaansami waayaan loo aqoonsan doono inay gabbood-faleen sharuucda dalka.

Gebo-gabadii, guddidani waxa ay mahad-naq ballaadhan u jeediyeen Guddoomiyeyaasha Xisbiyada/ururrada, murashaxiinta iyo taageerashooda, halka guddoomiyeyaasha gobollada Togdheer iyo Badhan lagu maamuusay inay muujiyeen Xil kasnimo masuuliyadeed.

Guddidu waxa ay dhinaca kale ku ammaaneen Warbaahinta Dawladda iyo Warbaahinta Gaarka loo leeyahay inay muujiyeen Bisayl Mihnadeed iyo dhex-dhexaadnimo. Wax kale oo guddidu mahadnaq weyn u jeediyeen ciidamada kala duwan ee amniga kaalintii ay ka qaateen ilaalinta nabad-gelyada Guud iyo Goolaha Ololaha doorashadu ku qabsoomeen.

SOMALILANDPOST.NET

webmasterp[at]somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories