HomeGUDDIDA ICTIRAAF RADINTA MAXAA LA GUDBOON !!

GUDDIDA ICTIRAAF RADINTA MAXAA LA GUDBOON !!

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Guddida Ictiraaf raadinta heer qaran ee saaka madaxweynuhu magaacabay ugu horeyn Masuuliyiinta loo magacaabay uguma hambelyeynayo balse waan ugu duceynayaa, waayo waa waajib qaran oo qof walba oo reer somaliland ah saran, waxaanan rajeynayaa in ay guddidani la mid noqon guddiyo hore oo xafiiska madaxweynaha laga magacaabay, balse aan dib loo maqal, madaxweynuhu ka gaabiyey qaar badan in uu dib ula xisaabtamo.

Wakhtigan hada la jooga oo qaranimadda somaliland rubuc qarni tahay, waxaa dhiiga cusub ku shubay oo dardar galiyey arrimaha dibaddawasiirka cusub ee arrimaha dibadda somaliland Dr Sacad ali shire, oo dadaal badan muujiyey mudadii koobaneyd ee uu xilkan hayey.

Hadii qaranimaddaiyo dal dhisida daacad laga yaheyna masuul walba waxaa la geyn lahaa meesha ku haboon ee uu aqoonteeda iyo khibradeeda leeyahay, waxanay taasi muujineysa in masuuliyiinta dowladda xil looga magaacabo aan la aqoon iyo khibrad xulane nin jecleysi iyo wax kale lagu xusho.

 Tan ictiraaf raadinta, mudaddii ay somaliland ku dabo jirtay in ay beesha caalamka ka hesho ictiraaf, mar walba looma mari jirin wadadii ku habooneyn, macal iyadoo la ogyahay ayaa la iska indho tiri jiray oo la mari jiray waddo khaldan taas oo maanta ay keentay in 25 sanno ka dib wali guddi uun loo saarayo arrin aan ku habooneyn magaacibista guddi balse midho dhal manta joogi lahaa.

Xalka koowaad ee ictiraaf helidu waxaaa uu yeelaa miiska wada hadaladda u dhaxeeya somaliland iyo somaliya, wada hadaladii u bilaabmay labada dal oo waliba si daacadnimo iyo garawshiyo leh wadamo kale u dhex dhexaadiyaan waxaa ka dhalan kara in xal kama danbeys ah loo helo qadiyadda gooni isku taaga somaliland,

Talaabada labaad ee ictiraaf helida somaliland waxaa uu yeela wadamadda IGAD Iyo African Union ka, taas ayaana wadamadda afrikaanka ah loga dhaadhicin karaa qadiyadda gooni isku taaga iyo ictiraaf helida jamhuuriyadda somaliland.

Markaas ayaa la qaadi karaa in beesha caalamka kale laga helo ictiraaf kama danbeys ah, somaliland kursi yeelato Qaramadda midoobay sida wadamada kale ee aduun weynaha. Balse yey noqon guddidani mid kolba safar ku kala bixisa yurub iyo maraykan oo aan ictiraaf inoo oolin haba yaraatee.

Guddidan uu Madaxweynuhu saaray waxaan u gunti lahaa saddex talo:

1. In ay awooda saaraan sidii uu u guuleysan lahaa wada hadaladda u dhaxeeya una socda somaliland iyo somaliya, Miiska wada hadaladda u joogi lahaayeen wadamo aan dano gaar ahaaneed ka laheyn labada dal, iyo wadamada xuduuda la lehba.

2. In qadiyadda somaliland ee ictiraaf raadinta laga dhaadhiciyo wadamadda afrikaanka ah oo la helo wadamo saaxiib dhaw la ah ama taageeri kara madaxbananida somaliland.

 3. In albaab walba loo garaaco arrinka ictiraaf raadinta, miisaaniyadda ku filan oo hawlaha sahleysana loo dajiyo, la sameeyo lana diyaariyo qoraal cid walba fahmi karto oo ka turjumaya ictiraaf raadinta qarankan, lagana faaideysoto muwaadininta reer Somaliland ee saaxiibada dhaw la leh bulshadda caalamka eek ala duwan, sidoo kalena guddidani ururisato talooyinka aqoonyahanadda Somaliland meel walba ha joogeene.

W/Q FOUAD ABDISALAM

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories