HomeGuddida Heer Qaran ee Xakamaynta Xanuunka HIV/AIDS oo Madaxtooyada Hor dhigay Warbixin...

Guddida Heer Qaran ee Xakamaynta Xanuunka HIV/AIDS oo Madaxtooyada Hor dhigay Warbixin Sanadeedkoodii

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa  (SLpost)- Guddida heer qaran ee la dagaalanka iyo xakamaynta cudurka HIV/AIDS ayaa shalay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi ISmaaciil (Saylici) uga xog warramay heerka uu dalka ka marayo xanuunkaasi iyo sida ay qaran ahaan ugu dadaalaan faafitaankiisa. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Shalay Xafiiskiisa  ku qaabilay Komishanka la dagaalanka  Cudurka AIDS-ka oo ay weheliyaan guddida heer qaran ee xakamaynta Cudurkaasi iyo Weliba Masuuliyiin ka socotay Hay’ada UNDP waxa  ka soo qayb galay Wasiirrada Caafimaadka, Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen-Xoog), Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Marwo Samsam Cabdi Aadan, Warfaafinta iyo Wacyigelinta Abiib Diiriye Nuur (Abiib-Timocad) iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.

1Guddidan oo Sanadkiiba laba jeer Kulan la yeesha Madaxweynaha Somaliland isla markaana uga xog warrama halka uu cudurkaasi marayo,  waxaa wejigiisii koowaad ee sanadkan 2013-ka Furitaankii Kulankaas  hadal ka jeediyey  Xoghayaha Fulinta ee SOLNAC Dr. Maxamed Daahir Kheyre, waxaanu yidhi, “HIV/AIDS waa xanuun qarsoon oo haddana dadka ku fidaya, markii ugu horeysay ee la ogaado inuu dalka ka jirana waxa ay ahayd sanadkii 1992-kii oo qofkii ugu horeeyey ee laga baadhayee laga helayna waxa uu ahaa nin Mujaahid ah alla ha u naxariistee hadda wuu dhintee. Cusbitaalkii  bisha cas ee ku yaallay magaaladda Berbera ayaanu ahaa halkii lagu ogaaday, oo qolada haysatay maamulka waqtigaasi waxa ay haysteen qalabka wax lagu baadho dabadeed Inankii shaybaadhka ayaa anigoo ka mid ahaa guddi caafimaad oo markaa xog ururin ka wadday cusbitaalku waxa  aan ku idhi, dadka laguu soo gudbiyey ee  laga baadhayo xanuunnada galmada lagu kala qaado waxa kale oo aad ka baadhaa cudur la yidhaa HIV, kadib ninkaa (Mujaahidka) loo soo gudbiyey oo  markii horeba qabay xanuunnada galmada ayaa la baadhay oo laga helay HIV”, sidaa ayuu yidhi Xog hayaha fulinta ee Komishanka Xakamaynta Xanuunka HIV/AIDS Dr.

1Maxamed Daahir Kheyre, waxaanu intaa ku daray “Markaa waqtigaas waan la dagaalannay xanuunkaas, guud ahaanna inagga qaabka uu innagu soo galaa ee la isugu gudbiyaa waa  galmada midda xalaasha ah iyo midda kaleba, Mida xalaasha ah waxaan uga jeedaa qofka xaaska lihi haddiii uu qabo xanuunkaa ama uu yahay nin dirawal ah oo Itoobiya galmo kasoo sameeyey haddii uu ooriddiisa xalaasha ahayd qaadsiiyey sidaas ayuu xanuunku ku fidayaa”.

Cover and Newspaper PicDr. Maxamed Daahir Kheyre, Xoghayaha fulinta ee SOLNAC, waxaa uu Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddida kale ee Kulanka goob joogga ka ahaydba Shax ahaan u  tusay sida uu sanadba sanadka ka dembeeya ugu sii faafayo dalka xanuunka AIDS-ku, isaga oo tusaale u soo qaatay sanadkii 1999-kii, 2004-dii iyo 2007-dii oo Komishanka SOLNAC, Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda WHO ay si wada jir ah Xog ururin ay sameeyeen ku ogaadeen korodhka AIDS-ka ee bulshada,  “ annagu waxaanu xoogga saarnay oo aanu baadhitaano ka bilownay xarumaha hooyadda iyo dhallaanka (MCH) oo dumarka uurka leh ayaanu xataa ka baadhnay, Gabadha uurka lihi ee la qabo waa qofka ugu fog ee looga shakiyo inuu qaado xanuunka, annaguna aad baanu isugu taxallujinay” ayuu raaciyey hadalkiisa Dr. Kheyre,  waxaanu  xog warrankiisa ku ladhay in Tusaale ahaan sanadkii 1999-kii uu cudurka faafitaankiisu ahaa 0.1%, halka uu markii dembe gaadhay illaa 12.3%, iyadoo qaabka ugu badan ee uu ku faafay tahay galmada labada qof  sameeyaan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories