HomeGuddida Heer Qaran ee Ka Hor-tagga Caabuqa CORONAVIRUS Oo Soo Saaray Go'aamo...

Guddida Heer Qaran ee Ka Hor-tagga Caabuqa CORONAVIRUS Oo Soo Saaray Go’aamo Muhiim ah

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddida heer qaran ee uu dhawaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay u diyaar-garawga iyo ka hortagga xanuunka CORONAVIRUS, ayaa maanta soo saaray go’aamo muhiim u ah badqabka iyo fayo-dhawrka bulshada Somaliland oo ay waajib tahay fulintoodu.

blankWar-saxaafadeed ay guddidu goor dhaweyd soo saareen ayaa u dhignaa sidatan:-

“Guddida heer Qaran ee U-diyaar-garowga iyo ka-hor-tagga xanuunka CORONAVIRUS iyagoo tixgalinaya xaaladda halista ah ee ku soo korodhay aduunka ee uu sababi karo xanuunka CORONAVIRUS , waxay soo saareen go’aamadan.

1. Xarumaha Caafimaadka ee Gaarka loo Leeyayahay
• Dhammaan xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay sida Cusbitaalada iyo Shaybaadhada iyo shaqaalaha ka hawlgalaba waxa adeegsan doona Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka markay u baahato.

• Waxa reebban in dalka laga saaro dhammaan agabka caafimaadka iyo daawooyinka.

• Dhammaan muwaadiniinta leh xirfad caafimaad ee aan ka tirsanayn shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waxa lagu wargalinaya in ay si mutadacwacnimo ah iskaga diiwaan galiyaan maamulka caafimaadka ee gobolka iyo degmada ee ugu dhaw.

2. Goobaha Waxbarashada dalka
• Dhammaan goobaha waxbarshada dalka ee dawladda iyo kuwa gaarka ah sida Jamaacadaha, Iskuulada caadiga ah (day schools), Iskuuladda Hoyga ah (boarding schools), xarumaha Agoomaha wax lagu baro marka laga reebo kuwa dawladdu gacanta ku hayso oo si gaar ah loola socanayo xaaladooda, waxa la xidhayaa muddo 4 Toddobaad ah oo ka bilaabmaysa maalinta ay taariikhdu tahay 19 March 2020.

3. Masaajiddada
• Waxa lagu amrayaa dhammaan Imaamyada iyo Mu’adiniinta Masaajidyada in ay xilliga salaada faralka ah ay ku soo koobaan kana aysan badin karin 25 daqiiqo, sidoo kalana waxa la farayaa in ay xidhaan dhamman Musqulaha iyo meelaha lagu waysaysto ee masaajidyada muddo 4 Todobaad ah oo ka bilaabmaysa maalinta ay taariikhdu tahay 19 March 2020.

• Dhammaan Imaamyada iyo Mu’addiniinta waxa la farayaa inay furaan daaqadaha Masaajidada.
• Bulshada waxa la farayaa inay ku soo wayso qaataan guryahooda iyo meheradahooda.

• Qofkii dareema caalamado muujinaya hargabka waa inaysan iman Masaajidyada ayna ku tukadaan guryahooda.
• Waxa la farayaa imaamada inay ducada qunuudda salaadaha innooga duceeyaan dhibaatada xanuunka.

4. Isu imaatinada Bulshada
• Waxa lagu wargalinaya bulshada Somaliland in la joojiyey dhammaan isu imaatinada bulshada sida shirarka, xafladaha, casuumadaha, aroosyada, isu imaatinada ciyaaraha IWM ah, marfarshayada Qaadka in muddo 4 Todobaad ah oo ka bilaabmaysa 19 March 2020.

• Waxa gabi ahaanba mamnuuc ah Shirarka iyo siminaarada ay qabtaan hay’adaha kala duwan ee dalka muddo 4 todobaad ah oo ka bilaabmaysa maalinta ay taariikhdu tahay 19 March 2020.

5. Socdaallada iyo Duullimaadyada Diyaaraadaha
• Dhammaan dulimaadyada ka imanaya waddamada nidaamkooda caafimaad la isku halayn karo waxa ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL la socon doontaa xaaladda rakaabka ka imanaya iyadoo rakaabkaas baadhitaan dhammays tiran loogu samayn doono garoomada diyaaradaha ee Somaliland.

• Waxa la joojiyey dhammaanba duulimaadyada iyo rakaabka ka imanaya dalalka xaaladoodu khatarta tahay sida China, Italy Iran, France, South Korea, Spain, Kiiniya iyo Soomaaliya laga bilaabo maalinta ay taariikhdu tahay 19 March 2020. Sacaadda 06:00 galabnimo muddo 4 toddobaad ah.

• Waxa dhammaan muwaadiniinta Somaliland loogu baaqayaa in ay ka baaqsadaan safarrada aan muhiimka ahayn ee dalka gudihiisa.

• Waxa dhamman qurba-joogta reer Somaliland loogu baaqayaa inay hakiyaan socdaalada aan laga maarmi karo ee ay dalka ku iman lahaayeen inta xaaladda aduunka ee xanuunkani ka soo raynayso.

6. Guddiyada Gobolada ee U-diyaar-garowga iyo ka-hor-tagga xanuunka CORONAVIRUS .

• Si loo xoojiyo u diyaar garowga iyo ka hortagga xannuunka CORONAVIRUS waxa la dhisay guddiyada Gobolada oo ka kooban:

o Guddida nabadgalyada ee heer gobol
o Isuduwayaasha wasaradaha : Caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta, Ariimaha Gudaha, Warfaafinta iyo Waxbarashada.
o Guddidani waxa ay fulinaysaa qorshaha wasaaradda caafimaadka.” Sidaas ayey Guddigu ku tidhi war-saxaafadeedkooda.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories