HomeGUDDIDA FULINTA EE SSE: Baaq Cambaareyn Falka lagula kacay Hubaal

GUDDIDA FULINTA EE SSE: Baaq Cambaareyn Falka lagula kacay Hubaal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 Sida aan saxaafadda kala soconay waxa magaalada Hargeisa ee casimada jamhuuriyada Somaliland ka dhacay laba arimood oo kala ahaa weerar lagu qaaday 24-kii April ee sanadkan xarunta wargayska Hubaal oo dhaawac loogu gaystay laba suxufi, sido kale waxa la xidhay bishan July 3-deedii ee 2013-ka labada suxufi ee Hassan Hussein Abdillahi iyo Mahamed Ahmed Jamac kuwaas oo xadhigooda lala xidhiidhinayo mihnaddooda shaqo, gaar ahaan warar ay ku qoreen Wargeyska Hubaal.

Dallada SSE waxa ay marka hore cambaaraynaysaa weerarkii waxashnimada ahaa ee loo geystey Wargeyska Hubaal, falkaas oo ay fuliyeen laba xubnood oo midkood ahaa ciidanka nabad-galyada ee Police-ka Somaliland.

Waxa kaloo cambaaraynayna xukunka ku dhacay masuuliyiinta wargeyska Hubaal, xukunkaas oo loo adeegsaday xeerka ciqaabta oo ka duwan xeerka madaniga ah ee ay saxaafadi leedahay. Annaga oo dhanka kalena cambaraynaynaa wargaysyada, suxufinyinta iyo war bahinta kale ee ku kacda warar-ka been aburka ah iyo warar iska horkeenii kara bulshada Somaliland, waxa kaloo u soo jeedinayna suxufiyiinta inay masuuliyadda mihnad ahaaneed iyo midda qaran ahaaneedba ilaaliyaan, kana waantobaan warar kutidhi ku keenta ah ee waxyeelaynaya karaamada mihnadooda oo ku dhisan in ay qoraan warar ka turjumaya xaqiqada kolbaba ay qoroyaan.

Waxa haddana lama huraan ah in ay dimuuqraaddiyadda ku jirto in saxaafadda madaxa bannaan aan la cabudhin. (Taas macnaheeduna maaha in ay qorto war ku xad gudbaya nidamka ay leedahay saxaafadu) Dallada SSE waxa ay ka codsanaysaa masuuliyiinta xukumadda Somaliland gaar ahaan laamaha garsoorka iyo caddaaladda in muwaaddiniintaas (suxufiyinta) lagu xukumo sharciga waafaqsaan xeerka saxaafada ee hore loo dhaqan galiyay, sidoo kale waxaanu ka codsanayna in la hor keeno maxkamad sida ugu dhakhsaha badan cida loo hayo dembigii lagula kacay suxufiyiinta ee dhawacyada loogu gaystay.

Waxa kale oo SSE ku baaqaysaa in la dhowro xuquuqda muwaaddiniinta dhammaan, gaar ahaan tan suxufiyiinta oo qayb weyn ka ciyaara kobcinta dimuuqraaddiyadda Somaliland. Dallada SSE waxay soo jeedinaysa in ay xukumadu iyo bahda saxafadu ka gaadhaan heeshis xeerka saxafada madaxa banan ee hore loo dhaqan galiyay si loosoo afjaro muranada xaga sharciga ee soo jitamayay mudada dheer.

Waxa kaloo soo jeedineynaa in iyadoo lala tashanayo saxaafada iyo qaybaha bulshada la soo saaro xeer madani ah oo ashkatooyinka sumcad dillista ama sumcad dhimista loo mari karo oo laga saaro arrimahaas Xeerka Ciqaabta, sida addunka intiisa badanba hadda loogu dhaqmo. Alle ha ina waafajiyo tallada toosan

Guddiga Fulinta SSE

Email: info@sseuro.com

www.sseuro.com Dallada

SSE waa dallad ay ku bahoobeen ururadda reer Somaliland ee waddamada Yurub. Waa dallad dhexdhexaad ah oo aan dhinacna raacsanayn.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories