HomeGuddida Doorashooyinka oo Dhaliilaha loogu Jeedinayo khaladaadkii Doorashada u Sibir-saaray Caqabado Sharci...

Guddida Doorashooyinka oo Dhaliilaha loogu Jeedinayo khaladaadkii Doorashada u Sibir-saaray Caqabado Sharci oo markii hore ay u Badheedheen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa iska fogeeyey eedaymo ururrada iyo Xisbiyada tartankii Dawladda Hoose ka qayb-galay ugu jeediyeen khaladaadkii doorashadaas oo ay u sibir-saareen duruufo sharci oo la soo gudboonaaday.

Guddida doorashooyinka oo maanta xaruntooda u qabtay munaasibad ay shahaado sharaf ku guddoon siiyeen shirkaddii soo daabacday waraaqihii codbixinta doorashadii Golaha deegaanka ee dalka ka qabsoontay 28-kii bishii November sannadkii hore, waxa ay qireen inay doorashada ku qabteen xaalad adag oo ay ku xeernaayeen Duruufo badan oo dhanka sharciga ah iyo waliba arrimo la xidhiidha nidaamka doorashada qabsoomideeda loo qorsheeyay.

guddida doorashooyinkaGuddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Eng Ciise Yuusuf Xamari oo ka hadlay Munaasibad Komishanku u qabtay shirkaddii la siiyay qandaraaska Waraaqaha doorashada lagu galay oo lagu magacaabo SMITH, waxa uu sheegay inay doorashadaasi ahayd mid isxambaar ah, “Doorashadii deegaanku waxay ahayd isxambaar, musharixiintu xambaarayeen xisbiyada/ururadu si loo helo saddex xisbi qaran, Intaa oo dhan oo qof iyo qabiilba u guclaynaya, dhammaana diyaar u ahaa sax iyo qaladba inay helaan cod ay ku soo baxaan,” ayuu yidhi guddoomiye Eng Ciise Xamari.

Guddoomiyaha Komishanku waxa kale oo uu soo qaaday, “Komishanka doorashooyinka Qaranku waxay ugu badheedheen inay ku qabtaan doorashada baaxadaasi leh iyadoo ay jireen duruufo ku gedanaa doorashada,” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daraya isaga oo faahfaahinaya duruufaha uu sheegay inay ku xeernaayeen, “Dabarro sharci oo iska leh oo u kala baxaya Diiwaangalintii oo la laalay, Habkii liistada furan oo la qaatay oo ah tajriibo inagu cusub, galdalooladeedana leh, iyada oo aanay jirin degmo doorashooyin sii kala xaddida Magaalooyinka Waaweyn, Iyadoo aanu jirin sharci xakameeya dadka ku noqnoqda doorashada ama codeynta. Intaasi oo jirta Komiishanka doorashooyinka qaranka Illaahay wuu ku guuleeyay qabsoomidii doorashadii 2012-ka.

Komiishanku waxay sheegeen in aanay u dulqaadanayn inuu eedeeyo qof qaatay natiijada lagu muransan yahay, “Komishanku waxaanu marnaba qaadanaynin inuu eedeeyo ninkii natiijada qaatay, taasoo ay maanta ku fadhiyaan dalka oo dhan xildhibaanadii cusbaa,” ayuu yidhi Gudoomiyaha Komishanku.

Ururradii tartanka doorashada dawladaha Hoose ka qayb-galay, ayaa qabsoomiddii doorashada ka dib waxa ay soo bandhigeen waraaqo lagu codeeyey iyo qaar aan lagu codeyn, kuwaas oo ay sheegeen in laga helay goobihii doorashada iyo Dooxa magaalada Hargeysa, waxaanay eedaymahaasi qayb ka ahaayeen dhaliilihii ay xukuumadda ugu jeediyeen inay doorashada ku shubatay. Sidoo kale, waxa ay ku doodeen ururradaasi in tayada waraaqahaasi oo liidatay awgeed ay sababtay in si fudub loo daabacdo.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories