HomeGuddida Dhismaha Jidka DAWGA-CAD oo guddoomay Deeq Lacageed la soo gaadhsiiyey

Guddida Dhismaha Jidka DAWGA-CAD oo guddoomay Deeq Lacageed la soo gaadhsiiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Haweenka Qurba-joogta Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa deeq lacageed soo gaadhsiiyey guddida dhismaha jidka DAWGA-CAD, kuwaasi oo dedaal ugu jira dhamaystirka waddadaasi oo meel wanaagsan mareysa.

Guddoomiyaha Guddidaasi, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi oo deeqdaasi kaga soo guddoomay dalka Ingiriiska haweenka Qurba-joogta ah, ayaa shir jaraa’id oo xubnaha guddidu ku qabatay huteelka Maansoor ee Hargeysa, waxa uu ku faahfaahiyey lacagtaasi ay haweenka reer Somaliland ee Ingiriisku ugu soo tabaruceen dhismaha Jidka DAWGA-CAD.

dawgacad“Waxaan ugu bushaareynayaa guddida dhismaha Jidka Dawga-cad in haweenkeena Ingiriisku ay salaam idiin soo dirayaan, aadna raali uga yihiin hawsha aynu haynno, ILAAHAY idamkiina ay innala dedaalayaan. Haweenkaasi iyada oo cimilada Ingiriisku aad u xun tahay ayay haddana guri guri lacagta uga soo ururiyaan, wax la qiyaasi karana maaha Barafta dhacaya iyo sida ay maalin walba hawshaasi ku jiraan, waxayna hablahaasi ii soo dhiibeen lacag fiican” ayuu yidhi, Guddoomiye Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, waxaanu intaasi ku draray “Haweenkaasi oo ay hormood u yihiin Caasha Ayban, Aamina Xasan Balxaaf, Khadra Cabdiraxmaan Cumar Xaashi, Hibo Ismaaciil Muuse, Sahra Cabdi Mataan, Foosiya Xasan Xaashi iyo hablo kale oo aanaan Magacyadooda wada tirin karin waxay ii soo dhiibeen lacag dhan $ 12,373 (12 Kun, 3 boqol iyo 73 doolar. Lacagtaa waxaan ku shubay Akownka jidka DAWGA-CAD.”

Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac oo isaguna ka mid ah Guddidaasi ayaa amaanay doorka shariifka ah ee haweenku ka qaataan dhismaha jidka DAWGA-CAD “Haweenka waanu uga mahad celinaynaa juhdiga iyo dedaalka badan ee ay ku bixiyeen lacagtaasi, waxaanuna ugu duceynaynaa in ILAAHAY u barakeeyo ubadka, nafta, arsaaqda, halkii ay ka soo saareena uu ILAAHAY Miisaanka xasanaadka ugu daro. Meel kasta oo imika deeqi nooga timaaddo waa dumar uun, laakiin raggu way yar yihiin ama waa Magac uun (Waxay soo diraan)…waddadana waanu qornay, laakiin hawsheedu imika ayuun bay inoo bilaabmaysaa, waynuna wadeynaa inta ILAAHAY innagu simo”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories