HomeGuddida Dhismaha DAWGA-CAD oo Kormeer ku sameeyey Geedi-socodka Jidkaas, Baaqna u...

Guddida Dhismaha DAWGA-CAD oo Kormeer ku sameeyey Geedi-socodka Jidkaas, Baaqna u Diray Ganacsatada Iyo Qurba-joogta

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Guddida Dhismaha Jidka DAWGA-CAD ee Woqooyiga Magaalada Hargeysa, ayaa kormeeray dhismaha Jidkaasi oo meel wanaagsan maraya, gaar ahaan ballaadhin lagu samaynayo meelaha jidka Dawga-cad uu gooladaha ku leeyahay.

Guddoomiyaha Guddida Dawga-cad iyo inta badan xubnaha guddidaasi, ayaa kormeerkooda ku soo maray goobaha ay ka socoto hawsha lagu ballaadhinayo meelaha jidku ku leeyahay Gooladaha, si ay uga war hayaan halka hawshaasi mareyso, si markaasi qurba-joogta iyo muwaadiniinta daneeya dhismaha jidkaasi loogu soo bandhigo halka hawshu mareyso, looguna diyaar-garoobo hawlaha mustaqbalka u qorsheysan in jidkaasi laga qabto.

Dawga-cad 7Guddoomiyaha Guddida dhismaha Jidka DAWGA-CAD, Eng. Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, oo markii ay gaadheen halka ay ka socoto hawsha lagu ballaadhinayo jidkaasi, la hadlay saxaafadda ayaa yidhi “Maanta oo ay September tahay 13, waxaanu joognaa DAWGA-CAD, waxaanuna intayadii Guddida ahayd (Laba qof oo naga cudur daartay Mooyaane) aanu u nimid inaanu kormeero hawsha socota oo aanu habeen iyo maalinba ka shirno maxaa la qabtey iyo maxaa dib u dhacay iyo maxaa sababey, sideese wax looga qaban karaa, ILAAHAY Mahaddiina meel wanaagsan ayay mareysaa (hawsha dhismaha Dawga-cad)…”

Eng. Axmed Warsame Siciid, oo isaguna ka mid ah guddidaasi, ayaa sheegay “Maanta waxa noo sharaf ah inaanu joogno Dawgii Caddaa, oo aanu in dhaweydba aanu wadney sidii aanu ballaadhin lahayn meelaha waddadu Gooladaha ku lahayd ee aanay baabuurta waaweyni soo mari jirin, sidaa Guddoomiye Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, idiin sheegayna muddo bil iyo badh ah ayaanu hawshaa ku jirnay, waxaanu keenay qalab aad u waaweyn oo wax ka qaban kara, kuwaasi oo wax weyn ka bedalaya Waddada markay dhamaato. Waxaanuna rejaynaynaa in hawshaasi muddo laba toddobaad ah ay ku dhamaato, waddaduna aad u ballaadhato, oo ay noqoto mid aayatiin leh, mustaqbalkana wax weyn ka tari doontaa isku socodka gaadiidka ee Hargeysa iyo xeebta”

Dawga-cad 6Eng. Axmed, waxa kale oo uu sheegay “kormeerka aanu ku nimid Dawga-cad, waa si aanu wixii naga dhiman iyo wixii naga qabyo ah iyo wixii aanu baahanahay inaanu qabanno-ba ugu talo-galo, sidaa daraadeed-baanu u nimid”ayuu yidhi.

Eng. Cali Cabdi Sarajoog, ayaa isaguna sharaxay qorshahooda dhow “ILAAHAY-baa Mahad leh, hawshii meel wanaagsan-bay noo mareysaa, markaanu ka daan-degno buurta ee aanu hawsheeda ka falaxalanno, intaa ku joogsan mayso’e waxa (Sarfaygeedii) iyo wax walba noo diyaarsan yahay inaanu buurta dhaadhaceeda ilaa badda aanu ku deba qabanno, sidaa ayuu ku talo-galkayagu yahay, sidaa aanu imika idiinla socodsiinay, ayaanu mar walba ku talo-galeynaa inaanu dadkiina Maalka u soo hurey aanu kolba halkay hawshu noo mareyso aanu idinla soo socodsiinaynaa”

Dawga-cad 4Suldaan Maxamuud Siciid, oo ka mid ah Guddida dhismaha jidka Dawga-cad, ayaa isaguna baaq u diray ganacsatada iyo xoolo dhaqatada deegaanka waqooyiga Hargeysa “Qalabka waxa waddada ku caawiyey Ganacsade Maxamed Aw Siciid, laakiin ganacsatadu way badan yihiine, waxaanu jeclaan lahayn inay waddada ku soo darsadaan wixii kari karaan. Waxa kale oo aan halkan baaq uga jeedinayaa dadkeena reer guuraaga ah ee xoolaha haya, inay iyaguna gacan ka geystaan Waddada, Mid ceesaan keena, Mid Orgi keena iyo mid Awr keenaba ay wax ku darsadaan, waayo iyaguna waddadan faa’iido ayay ku qabaan. Markaa waxaan ku talinayaa in Cuqaashu isku tagto oo ay dadka dhex galaan oo ay xoolo ka soo ururiyaan oo ay waddada gacan ka geystaan”ayuu yidhi Suldaan Maxamuud Siciid.

Guddoomiyaha Wanaag farista iyo xumaan joojinta Somaliland, Sheekh Cabdiraxmaan Cabdalla, ayaa isaguna halkaasi ka sheegay “Waxaan ILAAHAY la hor-tagayaa in hawshaa uu ILAAHAY waafajiyey nimankaa odayaasha ah (Guddida Dawga-cad) ay meel wanaagsan mareyso, laakiin ay ahayd wixii ay dawladi qaban lahayn, ILAAHAY-baana gacan ku siiyey” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Hawshii meel wanaagsan-bay mareysaa, wixii aad soo dirteen meel wanaagsan-bay ku baxeen ee yaan laga caajisin, oo duco iyo gacanba hala isku daro”

Dawga-cadUgu dambay, waxa halkaasi ka hadlay Sheekh Cabdiqaadir Xaaji Jaamac oo ka mid ah Guddida dhismaha jidka DAWGA-CAD, waxaanu yidhi “Hawshii weli waa bilow, waxaana inoo hadhay ilaa Ceel-sheekh oo la baneeyo, waxa hadhay in Hargeysa ilaa Badda la soo dhigo Laamaydii, markaa waxaanu leenahay qofkii wax hayow hawshii weli way socotaa, laga daali maayo, inta cimrigu nagu simo waanu wadeynaa, idinkuna ha daalina, waa sadaqo jaariya’e, soo dedaalla, ubadka ILAAHAY ha idiinku dhowr, Arsaaqda ILAAHAY ha idiinku kordhiyo.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories